Bangiyada Sucuudiga ayaa xayiray in ka badan 1,200 oo Xisaab bangiyeed ah oo shakhsiyaadka iyo shirkadaha boqortooyada ka mid ah , Xayiraadan ayaa qayb ka ah olole xukuumadeed oo ku aaddan musuqmaasuq,Sidaana waxa sheegay bankiyo iyo qareenno.
Bangiyada iyo qareennada ayaa u sheegay intaana ku daray sida ay wakaaladda wararka ee Reuters sheegtay tiradaasi waxay u badan tahay inay kor u kacdo.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in bangiga dhexe uu amar ku siiyay bangiyada inay xakameeyaan xisaabaadka dadka la baadhayo laakiin ilaha ma sheegin magacyada la xanibay.
Warqabadka ToggaHerer