Bisadii Koowaad ee Dalka New Zealand oo Dhimatay!!!

Bisada Koowaad ee New Zealand ayaa dhimatay ka dib markii uu jiidhay baabuur meel u dhaw guriga milkiilaha Ra’iisul Wasaarada Jacinda Ardern.

Warbaahinta ayaa sheegtay in bisad Badels ee dhimatay loo yaqaanno “Bisada Koowaad” Sababta oo ah iyada oo ay lahayad Ra’iisul-wasaaraha dalkaasi.

“Qof kasta oo Waayay xayawaan wuu garanyaa murugada uu dareemayo ” ayuu ra’iisul wasaaraha ku tidhi boggeeda xidhiidhka bulshada. iyada oo intaa ku dartay in ay ahayd mid ay jecel yihiin dhamaan dadku ee aanay keligeed jeclayn.

Bisadan ayaa lagu Magacaabay Bisada Koowaad ka dib markii ay ka soo muuqatay gacanta Ra’iisul Wasaaree Ardenne shirkii jaraa’id ee ugu horreeyay ka dib markii ay ku guuleystay doorashadii ugu dambaysay.

Ubaxyo la dhigay Dibada Guriga

Bisadan dhimatay ayaa caan ku noqotay markii ay qabsatay xafiiska ra’iisul-wasaaraha markii ay wadahadal telefoon ku yeesheen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu wareejinayaa Tacsida iyo Warkan iyadoo Jacinda Ardern ay heshay tiro fariimo ah oo tacsi ah.
Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso