Trump waa ka-faa’iideystaha ugu muhiimsan ee muuqaalka cusub ee Twitter

Inkastoo ay ahayd saacado yar ka dib markii Twitter-kii si rasmi ah loogu dhawaaqay in tirada xuruufta lagu qori karo Twitter-ka laga dhigay ilaa 280, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la yaqaan siduu u jecel yahay una isticmaalo Twitter-ka ayaa ka mid ahaa ka-faa’iideystayaasha ugu wayn ee korodhkan.

In ka yar hal saac Trump ayaa ku qoray in ka badan 140 Kelmadood, isaga oo sharxaya safarkiisii Asia ee ugu horeeyay halka midka labaadna uu uga hadlayey khasaaraha doorashada Jamhuuriga Ed Gleesby ee kursiga Virginia .

Qoraalkii u horeeyey Trump wuxuu u adeegsaday 216 xaraf, halka kan labaadna uu adeegsaday tirade 215 xaraf.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso