Cudurkii Reer Waqooyiga!!.
“Qiiro iyo Somaali Jacayl aan Xikmadaysnayn”.
******************************
” Cashardii Taariikhdu Qortay Waxaa kamida; in Qiiro aan dal lagu Hogaamin karin; Waa Xiligii Caqliga”.
Somaliland iyo Farmaajo!!
Sheekadan iyo Faaladan ila Wadaag!!
******************************
Salama eleikum.
Nin philosopher oo uu dhashay dalka Masar; buugta qaarna ay qoraan Dalwaynaha shiinaha China; Ayaan qoray sheekadan.
Wiil iyo Aabihii ayaa ku noollaa Nolol faqiira; Maalin Maalmaha kamida Ayaa Willal dhalinyaro ah oo Tuulada Qoyskani deganaa kunoola u baxeen Ugaadhsii; Wiilashii; Waxay kusoo laabteen Tuuladi ayagoo aan Waxba helin.
Hayeeshee Wiilkii Odaygu dhallay; Wuxuu lasoo noqday isaga oo wata Xayn Fardo iyo dameer dibadeed ; Dadkii Tuulada deganaa Ayaa uyimi, Si ay ugu hambalyeeyaan Odaygan Wiilkiisu Qaniimaystay !.
Waxayna ku yidhaahdeen; Waxaanu kugu Hambalyeynaynaa ; Nimcada Wiilkaagu helay!.
Odaygii Wuxuu si degan uyidhi; oo Yaa idiin Sheegay; In Nimco tahay?
Maalmo kadib; Wiilkii Yaraa Wuxuu Fuulay Mid kamida Fardihii; Wuxuuna ka jabay Lugta!!.
Dadkii Tuuluhu Waxay kusoo noqdeen Odaygii; Waxayna uga tiiraanyeeyeen, Dhibaatada Wiilkiisa Soo gaadhay?
Hayeeshee Odaygii isaga oo Degan ayuu ku yidhi; Yaa idin baray in Musiibo tahay?.
Maahmaahbaa ahayd ” Aad how qoslin Ooyi doontaana Mooyee; Aad how ooyin; Qosli doontaana Mooyee”.
Aan sheekadii sii wadee; Maalintii Dambe ayaa Tuuladii lasoo weeraray; Dhamaan dhalinyaradii tuuluhuna Waxay ka qayb galleen in ay Tuulada dufaacaan; Marka laga reebo Wiilkii Odaygu dhallay ee cagta ka jabnaa; Nasiib darro; Dhamaan Wiilashii Waxaa lagu laayey Dagaalkii; Marka laga reebo wiilkii Odaygu dhallay?.
Dadkii Tuulahaa deganaa; ayaa uyimi; odaygii wiilka dhallay si ay ugu hambalyeeyaan!.
Odaygii Wuxuu ku yidhi; Yaa idin baray in ay Nimco tahay?!.
Sheekadan Macnaha ay tabimaysaa Wuxuu yahay; Inaad Nolosha sugto; oo aanad aad umacnayn; Waxaa Markaa Jooga; ee aad Ka fikirto Waxaa ka dambayn karra.
Reer Waqooyigu intay Qiirada iskadayaan; Farmaajo hasugaan!!.
Waxyaabihii Dagaal kii labaad ee caalamka Sababay Waxaa ka mid ahaa; cadifadii Wadaniyada iyo afkaartii Aryanism ( Nationalism and Aryan Theory). Sidoo kale 1960kii Sanadkii Xornimadii Afrika; Waxaa jiray Dareen iyo Jacayl Afkrikaanimo; ‘Pan-africanism” Nakruuma iyo ragii la mid ka ahaana Waxay aaminsanaayeen; in Afrika la mideeyo!.
Doorashadii Somaliya iyo Guushii Farmaajo; Waxaad Mooda inay keentay; Yadadiilo iyo hawo shacab; Gaar ahaan Waxaad arkaysaa; Dhalinyaro faro badan iyo Siyaasiyiin faro badan oo hanqalka utagaaya Guusha Farmaajo iyo xiisada Mugdisho ” Civil Waves” Hadaba Maxaynu ku qiimaynaa Farmaajo?!
.
Farmaajo ma taagna; xilli la Amaano!; Wuxuu qaaday Musuuliyad Culus; hala sugo; Sida uu xilkiisa uguto; Reer Waqooyigu Waa dad Somaali jecel ; Nabad jecel oo Qiiro badan yihiin; Lakiin Farmaajo waa in ay ku qiimeeyaan:
1. Sida uu uga shaqeeyo Xidhiidh ka Somaliland iyo Somaaliya.
2. Sida uu utaageero Mashaariicda Horumarka ee Somaliland.
3. Sida uu ufadaydiyo; Arimaha kakan ee isaga xidhan Somaliya iyo Somaliland.
Inanka Hargeisa jooga iyo inanka mugdisho jooga; Waa Somaali; Ninkii Xil qaada Waa in uu horumarkooda kawada shaqeeyo. Madaxda Somaliland Waa in ay diyaariyaan Qorshihii Somaliya lagaga bixi lahaa.
Waa Xiligii Caqliga; Somaliland Waxay ubaahan tahay Qorshe Horumar ku sallaysan; Waa nimanka xilka haya iyo kuwa soo socdaaba Sameyaan isbadal muuqda; Si Somaliland aanay cidhiidhi u galin; Shacabkuna dadkooda iyo dadkooda ha aaminaan.
Mohamed A Sayaqle
London; UK.