Pope-ka Diinta Kiristaanka ayaa dhaleeceeyay siyaasiyiinta faafinaysa midabtakoorka

Pope Francis ayaa si adag u naqdiyay siyaasiyiinta ku abuuraya cabsida dadka ajnabiga ah waxaanu sheegey inay beerayeen abuurka rabshadaha iyo midab-takoorka, isaga oo ku boorriyay inay Caqliga Wanaajiyaan oo ay ka caawiyaan inay dhex galaan bulshada.

Hadalka Pope uu ku sameeyey difaaca dadka ajnabiga ah iyo qaxootiga ayaa ah warqad uu ugu diyaargaroobey Maalinta Caalamka ee Nabada Adduunka kaas oo loo dabaaldegayo 1-da January sannad kasta.

Warqadda ayaa imanaysa wakhti Qadiyada ajinebigu ay noqtay arrimo siyaasadeed oo muhiim ah oo wadamo badan oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Talyaaniga, Australia iyo Jarmalka.

Pope Francis ayaa ku qoray warqadda “Tani waxay hoos u dhigeysaa sharafta aadanaha ee dhammaan wiilasha iyo gabdhaha”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso