Masuuliyiin : Tirada askarta Maraykanka ee Suuriya waa 2,000 oo askari

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in tirada ciidamada Mareykanka ee Suuriya ay gaadhayaan ilaa 2,000 kuwaas oo badankooda ah ciidamo gaarka ah taas oo ka duwan tirada Washington ay hore u sheegtay inay Ka joogaan 500 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya.

Kanaalka “CNN” ee Maraykanka ayaa sheegay in Pentagon ay ku dhawaaqi doonaan mustaqbalka dhaw ee dadweynaha ku saabsan tirada askarta Mareykanka ee Suuriya.

Washington Post ayaa shaacisay in Maraykanku qorshaynayo in uu sii wado joogitaankiisa militariga waqooyiga Suuriya xitaa kadib markii la jabiyay ururka argagixisada “Daacish”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso