Diblumaasi Mareykan ah oo Lagu Dhaawacay Rasaas Brazil

Diblumaasi Maraykan ah oo Brazil jooga ayaa laga toogtay lugta markii ay rasaseeyeen rag hubaysan dariiq u dhow magaalada Rio de Janeiro.

“Wakiil kuxigeenka Qusuliyada ayaa laga soo qaaday goobta dhacdada iyada oo la geeyey Cisbitaal ku yaala caasimadda gobolka si qalliin degdeg ah loogu sameeyo” ayay bilaysku ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Wakiilo ka socda Safaaradda Mareykanka ee Brazil ayaa ka jawaabi waayay su’aalaha ku saabsan dhacdada, taas oo wargeyska O Globo uu yidhi “waxay dhacday habeenkii khamiista.”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa xaqiijisay in masuul ka tirsan qunsuliyada uu dhaawacmay halisna aanu ku jirin, isaga oo intaas ku daray in mas’uuliyiinta ammaanka ay fureen baadhitaanka dhacdada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso