Tuulo Swiss ah oo Bixinaysa Siinaysana $ 25,000 Cidii Ku Noolaanaysa Tuulada!!!!

Tuulooyinka Buuralayda Switzerland ayaa la daala dhacaya Guuritaanka Dadkooda sida gobollada kale ee yurub oo dhibaatadaasi wada haysato .

Dugsiyadu waxay ku khasbanaadeen inay xidhmaan sababtoo ah tiro yaraanta ardayda iyo guryaha oo loo beddelayo meelo xilliyeed fasaxyada.

Si wax looga qabto dhibaatadan tuulada Albinen oo 1,300 mitir ka sarreysa heerka badda dusha sare ee buuraha Alpine ku taala ayaa waxay bilaabeen inay raadiyaan xalka dhibaatada ka dib markii ay laba qoys ka tageen dhowaan waxa keliya ee hadda ku hadhayna waa shan carruur ah oo da`da Dugsiyada ah.

Qaar ka mid ah dadka degan tuulada ayaa xal u helaya sidii ay u bixin lahaayeen dadka cusub oo ah qorshe ay saxeexeen 94 qof (qiyaas ahaan kala badh dadweynaha) waxaana lagu soo dhejiyay Xarunta Baladiyaha halkaas oo lagu go’aansaday in ay codeeyaan codbixiyayaasha tuulada November 30 keeda.

Qorshuhu wuxuu bixinayaa dhiirigelinta kuwa doonaya inay u soo guuraan tuulada dib u cusbooneysiiyaan dhismo gaboobay ama dhisaan guri cusub qiime ahaan 25,000 frank qofkiiba iyo 10,000 ilmihiiba (1 frank = $ 1.03), waxase jira shardi ah in ruuxa raba aanu ka yaraan da` ahaan 40 sanno iyo in uu balan qaado inuu ku noolaado muddo aan ka yarayn Tuulada toban sano.

Albinen sida tuulooyinka ku kala firirsan Alps wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ku jiraan muuqaalka quruxda badan hawo nadiif ah iyo iftiin qorax leh badanka sanadka oo dhan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso