Maradona oo Dalbaday In Xabsiga La Dhigo Hablihiisa Talow Waa Maxay Sababtu Gudaha Ka Boggo!!!

Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee reer Argentine Diego Armando Maradona ayaa ku eedeeyay Hablihiisa inay ka xadeen adduun gaadhaya $ 4.5 million dollar, waxaana uu dalbaday in la xidho, sida laga soo xigtay wargayska Daily Mail.

Maradona oo 57 sano jir ah ayaa dacwad ku soo oogay Xaaskiisii hore Claudia Villafan iyo Hablihiisa Dalma iyo Jianna.

Xidigan hore ayaa sheegay in qoyskiisa ay u xawileen lacagta ay ka xadeen ayna ku shubteen Xisaabo ay ka furteen Uruguay, waxaanay hanti kaga iibsadeen Dalka Maraykanka iyagoo isticmaalaya lacagta.

Qareenka Maradona ayaa ku eedeeyay Inantiisa Jianna inay lacag u wareejisay Uruguay, waxaanu sheegay inay halkaas joogtay bishii Agoosto. “Marka la eego Dhacdadan ma jiro xal kale oo aan ahayn Jianna in la xidho.

“Waxay og yihiin meesha aan ku noolahay, way iman karaan markasta,” ayay Jianna ku tidhi barteeda Twitter-ka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso