Erdogan: Diyaar ayaan u ahay In aan Xilka Ka Dego Se Shardi ku Xidhay!!!

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xafiiska haddii xisbiga mucaaradka ah Xisbiga Shacbka Jamhuuriga ahi uu caddeeyo inuu leeyahay xisaabo lacageed oo dibedda ah.

“Haddii aad caddeyso inaan heysto lacag aan ku leeyahay bangi dibadda, waan iska casili doonaa madaxnimada,” Erdogan ayaa sheegay intii lagu jiray hadal uu ka jeedinayay Istanbul.

Khudbadii 21 November uu ka jeediyey Baarlamaanka Hoggaamiyaha Xisbiga Jamhuuriga (CHP) Kamal Kilicardaroglu wuxuu ku eedeeyay qaraabada madaxweynaha iyo asxaabtiisa ay “maalgalin malaayiin doolar ay dibadaha dhigteen.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso