Israel oo Siinaysa $ 5,000 Ruux kasta oo Afrikaan ah oo La Mustaafuriyo!!!


Israel iyo Rwanda ayaa u dhaqaaqaya heshiis ay ku doonayaan in la soo masaafuriyo kumanaan ka tirsan tahriibayaasha Afrika ee dhulka ka hooseeya Sahara, sida ay qortay wargeyska The Times.

Heshiiskaas mas’uuliyiinta Israel ayaa bixin doona siin doonana $ 5,000 doolarka qof kasta oo aqbala Rwanda kadib marka qorshe kama dambeys ah loo sameeyo oo labada dawladood ah.

Tiro ku dhaw 39,000 oo tahriibayaal Afrikaan ah ayaa sifo sharci darro ah ugu nool Israel, kuwaas oo intooda badan ka yimid Suudaan iyo Eritrea, waxayna Israel soo galeen intii u dhaxaysay 2006 iyo 2012, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah.

Xukuumadda Israel ayaa hore u soo jeedisay qorshe ahaa inay siiso $ 3,500 qof kasta oo Afrikaan ah oo doonaya inuu ku laabto dalkiisa iyada oo laga bixinayo tigidhka duulimaadka, laakiin badankoodi waxay doorbideen inay joogaan.

Dhiniciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda Liamoschikwabo ayaa xaqiijiyay jiritaanka wada-xaajoodka ku saabsan heshiiska Israel, laakiin ma bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan sida loo hirgelinayo heshiiska iyo hab-nololeedyada mustaqbalka ee muhaajiriinta ee Rwanda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso