Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ku Booriyey Inay Si-weyn Uga Qayb-qaataan Xuska Dhalada Rasuulka SCW Oo Ku Beegan 12 Rabiicul-Awal 1439 Hijriyada Oo Ku beegan 30/11/2017

Hargeysa (ToggaHerer)- Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga (Jimciyatul Axbaab) Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa Hambalo udiray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta Caalamka meelkasta oo ay dunida kaga sugan yihiin dhamaantood Munaasibada Xuska Dhalashada Rasuulkeenii Muxamed SCW oo ku beegan 12 Rabiicul Awal 1439 oo waafaqsan 30 11 2017.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi” waxa aan si xushmad leh bulshoweynta Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka meel ay joogtaba ku baraarujinaysaa isla markaana ku Hambalyeynayaa Xuska Dhalashada Rasuulka(CSW) oo ku beegan 12 Rabiicul-Awal 1439 Hijriyada ama 30/11/2017 Milaadiga taasoo ah maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa,”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ayaa waxa uu bulshada ku booriyey inay si weyn uga qayb-qaataan Xuska Dhalashada Xabiibkeena SCW isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” dhamaan bulshaweyntana waxa aan usoo jeedinayaa inay udiyaar-garoobaan isla markaana ay weyneeyaan Xaflada Xuska Dhalashada Rasuulkeenii Muxamed (CSW) kaasoo dhamaan Ummadda Islaamka looga baahan yahay inay weyneeyaan Xaflada Xuska Dhalashada Xabiibka Ilaahay(CSW)”

Advertisement

Ku Xayeysiiso