Pakistan: Waxay Isku guursadeen Wali La`aan Dabadeed Waa la Dilay!!!!

Bilayska Pakistaan ayaa sheegay in ay xidheen 10 qof oo ku eedeysan inay dileen lamaane cusub oo isku Guursaday Wali La`aan Magaalada dekedda ah ee Karachi. Sida laga soo xigtay Associated Press.

Cabdel Hadi oo 24 jir ah iyo Xasiina Bibi oo 19 jir ah ayaa la dilay toddobaadkii hore kuna baxay gacanta Ehelkooda iyagoo aan fasax ka haysan Waalidiinta qoysaska horraantii bishan, sida uu sheegay Masuul Sare oo la yidhaa Qasim Xamiid.

Xamid ayaa Intaa ku Daray in aabaha Cabdul Hadi iyo sagaal kale la xidhay ka dib markii meydka lamaanaha laga helay qabuuraha Axaddii, Waxaanu sheegay in aabaha Xasiina uu maqan yahay.

Raggan ayaa qirtay in ay lamaanaha ku dileen Midiyo amar ka yimid Jirga ama golaha qabaa’ilka maadama oo ay ka baxeen dhaqanka Pushtun-ka, ayuu yidhi.

Ku dhawaad 1,000 haween ah oo Pakistani ah ayaa sanad walba la dila iyaga oo ku baxa gacanta qaraabada taas oo lagu magacaabo dambiyada sharafta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso