Xisbi Iswiidhish ah oo Eryey Xubin Xagjir ah oo ka Tirsan oo Muslimiinta ku Sheegay In aanay Ahayn Dad, Cabirka Binu Aadamkana Hoos Mariyey!!!

Siyaasi reer Sweden ah oo lagu magacaabo Martin Strid ayaa lagu qasbay inuu ka baxo xubinimada xisbiga, sababtoo ah aflagaado cunsurinimo ah oo ka soo horjeeda muslimiinta, Sida uu qoray wargeyska Independent.

“Muslimiintu maaha boqolkiiba boqol Dad,” ayuu yidhi Mart Strid, oo xubin ka ah xisbiga “Sweden’s Democrats” ee garabka midig Sweden.

Hadal uu ka jeediyay shirweynaha Xisbiga baahiyayna telefishanka dawladda, Stride wuxuu hoos mariyey Muslimiinta dhammaadka cabirka aadanaha.

“Dhinaca koowaad ee miisaanka waxaa jirey bini aadam dhamaystiran boqolkiiba Boqol, dhinaca kalena waxaa jira Muslimiinta),” ayuu yidhi.

hogaamiyayaal badan oo axsaabta Sweden ah ayaa weeraray Martin Strid, iyaga oo ugu yeedhay kuna sifeeyey “cunsuri”.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso