Labo diyaaradood oo Masar iyo British ah oo Isku dhacay New York

John F. Kennedy Airport ee gobolka New York ayaa waxa isjiidhay labada diyaaradood oo ay kala leeyihiin Masar iyo Ingiriiska.

Waxaa la soo sheegay in Baalka diyaarada Masar oo ahayd Beong B777-300ER ay jiidhay kuna dhacday Baalka Diyaarada British Virgin Atlanta Airbus A330

Shilka ayaa waxyeelo soo gaadhsiiyey labadii diyaaradood se waxa lagu qiyaasay inuu yahay mid sahlan oo shaqaalaha dayactirka ayaa loogu yeedhay inay dayactiraan burburka labada diyaaradood.

Wax khasaare binu Aadam ah lama soo sheegin, Xaaladaha dhacdada waxaa baadhaya hay’adaha ay khusayso ee garoonka diyaaradaha New York.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso