shantan sano waa inay noqotaa shantii horu socodka hamse riraash

shantan sano waa inay noqotaa shantii horu socodka

hamse riraash

Waxa aan rabaa inaan hanbaliyo u diro madaxwaynaha cusub ee ku yimi rabitaanka shacabka ee loo igmaday hogaaminta mudada shanta sanadood.

Dalkeenu waa dal curdina, oo ay  soo mareen shan madaxweyne inkastoo mid kastaa wax soo qabtay haddana ninkii hawsha ugu culus qabtay wuxuu ahaa maxamed xaaji ibraahim cigaal oo rugunada u taagay dalka curdinkaee loogu yeedho jamhuuriyada somaliland 

Waxay soo socotaba waxa hadda hogaanka u haya adigoo luguugu yeedho muuse biixi cabdi kaasi oo la rabo inaad hayso hogaaminta  mudadaa shanta sanadood 

Haddaba waxa kula gudboon inaad shantaa sanood la timaado dhiiranaan wixii karaanka ahaa nooga hagran uu aad ku fuliso horumarka taasna waxay ku xidhantuhuun in la hello wasiiro tòos uga amar qaadanaya adiga

Madaxtooyadu yaanay noqon maqaaxi oo kale waa in laga dareemaa nidaamkeeda iyo hanaankeeda 

Wasiir kastaa waa inuu u diyaar yahay la shaqaynta wasaaradahooda waa in  la hellaa kala danbayn iyo kala xishood mid kasta lagu ixtiraaamayo hawshiisa.
Taasbayna ku timaadaa horumarku taasbayna aduunyadu ku gaadhaa yoolkeeda 
.
Waxaan kuu rajaynaayaa noqo mid qabyaalada meesha ka saara oo dadkeena Sima,ka faaidee ceelal biya ah oo dhulalka miiyada aad u qodaan ,meelaha hawdka meelaha dooxyada u dhoow waxaan Arkayaa taariikh ka wanaagsan ta maanta iyo bariba alla haga dhigo mudane kii ugu taariikh wanaagsan dalka. malaysia iyo sangabuur marbay  ahaayeen gudaafad balse rag adigoo kale ah ayaa gaadhsiisayay horumarka way ii muuqata taariikh ka wacan tan iyo maanta iyo bari salaam

Hamse riraash 

Advertisement

Ku Xayeysiiso