Dawlad Tiro Yar OO Tayo Leh Shardi Baa Ka Horeeya

Dawlad Tiro Yar OO Tayo Leh Shardi Baa Ka Horeeya

Yaa Damaanad Qaadaya Odayaashii  Shirka jaraaid qaban jirey oo odhan jirey Hadaanu beel Hebel nahay Saami Qaybsigaygii Nalama siin Oo Tabashaanu Qabnaa Kadibna shacabka maatada ah Qabiil ku Kicin jirey

Shacabka Somaliland Jooga Ooo dhan Marka aad la sheekaysato waxay ku cel celinayaan Madaxweyne Dowlad Tiro Yar oon Tayo leh baanu Kuu Dooranayay Oo Bilaa Musuq maasuqa  oo aqoon  Iyo Karti OO Umada wax U qabata waayahay

DHanka kale waxaad moodaa In Qabiil Dabada Ka Riixayo oo Qabil walba Kursi Doon Yahay Qofkii Hada ku lahaa Dowlad yar oo tayo leh Baa hadana ku odhanaya wasiir waa in naloo magacaabaa Hadaanu nahay reer hebel

Taariikhda Guryo laguma dhisto ee waxa laga faa iideystaa waxii hore dhacay Dib U milicso 4 Dawladood oo Hore oo Soamliland Soo Maray Madaxweyne walba waxuu Odhan jirey Dowlad Kooban oo Tayo leh Ayaan Dhisayaa Qaarkoodna way ba dhiseen Laakiin Cadaadis Iyo Caqabado Badan bay la Kulmeen marka danbe ILaa 70 wasiir Gaadho Iyadoo Sababaha Inta badan loo kordhinayo Markaad dhan ka eegto Wada Xal ah Dawlad Dhan baa Xal ah Hadii Xal Meesha Yimaadona Horumarka IyO Wax qabadka Yaraanaya Sharciguna wuu hoosaynayaa Ileen waxuunba la kala xalinayaaye

Waa Xal wasiir hebel Reer baa lagu qancinayaa ilaa 100 wasiir iyo kuxigeen iyo wasiir dowle

Madaxweynaha hada la doortay muuse biixi Cabdi Hadii U ka dhabeeyo balan qaadkii Dadki ku doorteen Dowlad aqoon Yahana Oo karti leh oo Tayo leh oo Kooban

Yaa Damaanad Qaadaya Odayaashii Meelahaas Ka hadli Jirey odhan jirey beel hebel hadaanu nahay waxba nalama siin  Saamigayagii Wuu Maqan Yahay  Kadibna shacabka Kicin jirey

Hadii Dawladan Yaraato Oo koobnaanto Feedback ka soo baxaya waynu og nahay Yaa Damaanad qaadaya Maatada Inaan Qabiil Lagu kicin Hadana waxba nalooma qabto aanay odhan

Dhanka kale waxaad moodaa shacabka laftisu inuu Musuq maasuqa Sabab U ayahay Iyagu raali ka Yihiin Sababta oo ah Wasiir aan aqoon ku Iman qabiil loogu geeyo meesha hadana beeshii odhan waxba nalooma qabto

Waa In Xalkii Feedback Dawlada kooban IYO Caqabadaha ka dhalaya laga sii Hor Tagaa

Wacyi Gelin badan oo shacabka ah la siiyaa Hadii Kale Halkedii Ba Ka Degaysaa

Walaahu aClamu Wa Axkam

QalInkii Y Dhamac Hargeisa

Advertisement

Ku Xayeysiiso