Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 13 kii November 2017 Waxa ay ugu hambalyaynayaan reer Somaliland ku dhawaaqistii Natiijada ee Maxkamadda Sare.

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 13 kii November 2017 Waxa ay ugu hambalyaynayaan reer Somaliland ku dhawaaqistii Natiijada ee Maxkamadda Sare.

 

29 November 2017

 

Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa ay shalay ku dhawaaqday in natiijadii doorashada madaxtooyada ee ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka Qaranku 21 kii November ay sidaa ku ansaxday. Go’aankaasi waxa uu caddaynayaa in Mr. Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyaha Xisbiga Kulmiye uu yahay Madaxweynaha la doortay. Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee doorashooyinku waxa ay hambalyo u dirayaan dhamaan reer Somaliland, marka lagu daro Mr. Muuse Biixi Cabdi iyo Murashaxiinta keleba iyaga oo ku bogaadinaya soo af-jaridda hannaankii doorashada.

 

Dr. Michael Walls oo ah Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa uu yidhi:

 

“Waxa aanu u hambalyaynaynaa Madaxweynaha Cusub, waxa aanuna ku faraxsannahay ka dib dareenkii jiray doorashada ka dib xisbiyada siyaasaddu in ay raaceen dariiqyadii sharciga ahaa si ay u hubiyaan natiijada doorashada, taas oo imika ay aqbaleen dhamaan murashaxiintii. Waxa aanu ugu riyaaqsannahay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dhinacyada

 

  • dhan oo aanu ugu hambalyaynayno bayaannadoodii dadweynaha ee ay ku caddaynayeen muhiimadda horumarka ay samaysay Somaliland ilaa hadda. Dadweynaha reer Somaliland waxa ay mar kele soo bandhigeen sida adage e ay uga go’an tahay doorasho ku dhacda si nabadgelyo iyo dimuqraaddi ah waxa aanuna rajaynaynaa in hannaankaasi sii socdo innaga oo rajaynayna doorashooyinkii muddo dhaafay ee Baarlamaanka, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay mar la qabsoomaan doorashada dawladaha hoose sannadka 2019 ka”.

 

Goobjoogayaasha Caalamiga ahi, oo ay maaligelisay dawladda Ingiriisku oo ka koobnaa 60 goobjooge oo ka kala socda 27 dal, waxa ay dalka ku yimaadden martiqaad ay ka heleen Guddida Doorashooyinka Qaranka. Goobjoogayaasha, oo uu hoggaaminayo qaybta Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL ee London iyo ururka Somaliland Focus UK, waxa ay goobjoogayaal ka noqdeen 350 goobood oo codayn ah iyo xarumaha tirinta codadka dhamaan lixda gobol ee Somaliland maalintii doorashada.

 

Goobjoogayaasha Caalamiga ahi wax ay ka warbixiyeen maalintii codaynta oo guud ahaan ku dhacday si nabadgelyo ah oo agaasin wanaagsan goobihii la soo maray, marka laga tago cabashooyin kooban oo jiray. Waxa aanu hoosta ka xarriiqnay xilligaas in waxyaalo aan habboonayn ay ka jireen meelaha qaar laakiin aanay ahayn qaar wax u dhimaya guud ahaan natiijada kama dambaysta ah. Intii lagu jiray muddada doorashada, dadweynaha reer

 

1

 

Somaliland waxa ay muujiyeen taageerada ay u hayaan sharciga iyo hanaanka dastuuriga ah, codayn nabadgelyo ah iyo tiro ku filan, waxa aanu u riyaaqsannahay sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay ka qaybgalka nidaam doorasho oo cajiib ah oo furan isla markaana nabadgelyo ah.

 

 

 

Qoraal ku socda Saxaafadda

 

  1. Haddii aad rabtid in aad waraysi dheeraad ah la yeelato mid ka mid ah kooxda isku xidhka goobjoogayaasha, fadlan la soo xidhiidh Conrad Heine (Isku xidhaha xidhiidhka warbaahinta ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah)

 

adigoo kala xidhiidhaya 0634685255 ama ieosomalilandmedia@gmail.com. Sawirro ayaa iyagana laguu hayaa.

 

  1. Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda ay ka qaadatay Soomaaliya sannadkii 1991 ka dib markii ay burburday dawladdii Soomaaliya. Ilaa hadda si caalami ah looma aqoonsan.
  2. Goobjoogayaasha waxa lagala socon karaa mareegta Somaliland Focus UK: somalilandfocus.org.uk, @SomalilandFocus iyo www.Facebook.com/EOMSomaliland2017

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2

Advertisement

Ku Xayeysiiso