DADKA REERKIINAA UGU BEEN BADAN

DADKA REERKIINAA UGU BEEN BADAN

Sida sunnada ILAAH ku abuuray noole kastaa waxa uu jecelyahay cidda ay wadaagaan sifo, ha noqoto dhalasho, luuqad, diin, midab, amba deegaan IWM. Aadamaha oo lagu tiryo kuwa ugu karaamada badan wax ILAAH abuuray, isla markaan xanbaarsan oo ku qalabaysan awooda fikirka oo ah mid uu dheeryahay inta badan abuurada kale, ayaa sifadani kala jeclaysiga iyo eexdu aad uga muuqataa dhaqankiisa. Midkastoo inaga mid ahi waxa uu kazoo jeedaa reer iyo deegaan ILAAH ku abuuray kaas oo ay wadaagaan abtirsiin ku salaysan dhalasho ama deegaan.

Sidaas aawadeed waxa aynu ku kornaa oo qaadanaa dhaqanka iyo hiddaha soojireenka ah ee deegaanka aynu ka nimaadno, kaas oo go’aamiya amaba qaabeeya sida aynu u aragno dunida inteeda kale sokeeye iyo shisheeyaba. Waxay aynu ka wada dharagsanahay sid uu xaal yahahay deegaanka ummada Soomaaliyeed degto maanta, gaar ahaan reer Somaliland. Dadki waxa ay u kala deganyiin sidii isticmaarka iyo hortiiba loo qaybsanaa, waanu yaryahay isdhexgalkii bulshadeena kaas oo keeni lahaa inuu qofku lahaado aragti dheer oo ka baxsan ta reerkoodu u sheegeen. Taas oo ah in xaqqa iyo runtu tahay sida reerkoodu wax u arko, xaqdarada, dulmiga iyo xumuhuna ka yimaadaan dadka kale.

Nasiib darradan oo aynu ka dhaxalay awawyaasheen iyo aabayaasheen, se da’yartii aanay wali dareemin inay tahay inay dawo u helaan humaagan iyo dhalanteedkan aan xaqiiqda ku salaysnayn ee ina dhexyaala. Waxa muuqata inaynu u dhimanayno xanuunadii aabayaasheen laayay, oo aynaan waxba ka baranin khaladaakii shalay la galay. Aqoontii iyo ilbaxnimadii la helayna ka dhigaysa barkumataal iyo biyo col dhaanshay (foosto gun la’).

Waxaan si dhow ula socday doorashadii Somaliland ee Novemer2017, waxaan eegayay goobaha bulshadu ku kulanto sida facebook-ga, youtube-ka, mareegaha wararka, idaacadaha,iyo TV-yada. Waxaan arkay haldoorkii dalku lahaa, oo guumaysi kii ugu xumaa gacanta u galay. Waxaan arkay in qofwaliba cidda saxani la tahay cidda ay isku reerka yihiin, cidda qaldanina tahay cidda reeraha kale ka soo jeeda. Qof waliba waxa uu afhayeen u noqday reerkooda waxa uu dadka u sheegayaa waa kutidhikutidheenka roorkda oo been abuur u badan.Waxa la iibiyay caqligii iyo xornimadii. Waxa laga beensheegay damiirkii dadnimada waxa lagu bedeshay eex iyo nin-jeclaysi. Qabyaaladii ayaa qaranimadii lagu bedeshay.

Xadiis caana ah oo hadiyo jeerna sal u ah inbadan oo aqoonta casiriga ah, ayaa Nabi Maxamed (NNKH) waxa uu inoogu sheegay in qofkastaa marka uu dhasho, uu dhasho isagoo Islaam ah, laakiin waalidkii (deegaanka ku xeeran) ay ka dhigaan Kiristaan, Yahuudi, ama Dabcaabud. Sidaas oo kale waxa dhalinyaradeenii ka xoog roonaaday deegaankii ay ku koreen, saxa iyo qaladkuna waxa ay ku xidhantahay hadba reerkoodu siduu wax u arko. Qofkasta oonay isku reer ahayni waa qaldanyay, halka ka ay isku reerka yihiin ama isku deegaanka yihiin uu yahahay ceeb ka saliim aan qaldamin.

Waxaan ku soo koobayaa qormadan, in aad iska hubsato waxa reerkuunu kuu sheego, waayo inta badan waa waxba kama jiraan ku salaysan aragti koox gaar ah oo ka iman caqli xor ah oo dhinacyo badan wax ka eegi kara. Sidoo kale yaynaan ku celin qaladkii aabayaasheen galeen taariikhdana wax ka barano, ogaanana  aabayaasheen waa sii socdaan, dalkana inagaa u hadhayna, wanaagiisa iyo dhibtiisa kuwa dhaxlayaa waa innaga. Dhaxal xumadii ina heshay inaguna yaynaag uga tageen kuwa inaga danbeeya.

ILAAH BAA MAHAD LEH.

Cabdikarim M  Cali

Abdikarimmohali@outlook.com

Green Bay, WI

United States

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso