Talo ku socota Madaxweynaha Cusub Mudane Muse Biixi

Mudane madaxweyne ama madaxweyne somaliland baad noqon ama madaxweyne beeleed.

Waxay dhamaqan dadweynaha reer somaliland indha ku hayaan dawladada sida aad usoo dhisto, waana murayada iyo sawirka ugu muhiimsan ee dadweynuhu ka ogaankaraan ninka uu yahay Muse Bixi, waxaan kugula talinayaa Madaxweyne u xisaabtan sidii wakhtigii aad debeda ka joogtay maamulka oo ay micnaheedu tahay cidna ha kuu muuqato waxaad rabtey inaad bedesho, sidii aad jeclaydna yeel, laakiin yaanay ku bedelin oo ka leexinin majarahagii kaapo qabiilo iyo oday dhaqameedyo aanay u muuqan goldalooloyinka wadanku ee ay u muuqato waxdaran iyo waxay eedaan.

waxaan talo ku siin lahaa inaad ka ilaaliso  dawladaada kuwii ka mid ahaa dawladihii hore ee ku mamamy xoolaha ummada , waxanad soo xulataa aqoonyahano iyo waayo arag cusub oo ka madhan musuqii ay caanka ku ahaayen dawladihii hore, waxan kaloo raacin lahaa inaad dawladada ka ilaaliso muqayiliinta diinta iyo dhaqankaba ka fog ee sirta dawlada kaga sheekeya mafrishyada, waxaan kusoo koobayaa hadaad si wacan oo cadalad ah u wado dawladada waxaa hubaal ah inaad shan sano oo kale bilaa tartan ku helayso madaxnimada, laakiin hadaad sidii siilaanyo wax u wado waxaa hubaal ah oo aan shaki ku jirin inaanad dhamaysan doonin shanta aad hada haysato ama aad kadeed ku dhamayn doonto , waayo shacabku khaati bay ka jogaan qabyaalada iyo musuqmasuqa jeegaamaysan ee dawlada hada inaga tegaysaa  wadanka keentay

 

wabilaahi tawfiiq

Mohamud Jama

U.K

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso