Sheeko Gaaban : Qadar Lama Filaan Ku Yimid & Qisadii Marxuunka Ee Labada Nin Ku Dhagaroobeen ? Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Nin Meherad ku haystay  Mid ka mida  Tuulooyinka Deegaanadda Miyiga ee Somaliland, ayaa Goor Subaxnimo ah Sidii Caada u ahayd waxa uu furay Maqaaxidiisii, Dabkii ay uu shitay  waxaanu Rusheeyey Meheradiisa  horteedii iyo gudaheedii, ka dib markii uu Qaxwihii Bislaaday, waxa u yimid dadkii macmiisha u ahaa ee Meheraddiisa Shaaha ka iibsan jiray oo dabcan kolay dadkii Tuuladda deegaanadda ku xeeran ee reer Miyiga ahaaya, Midka mida dadkii Shaaha Maqaaxida ka cabaayey oo  Nin Waran dheer sitay ah ayaa isaga oo Kadalooba oo halka Labada Lugood dhexdooda inta uu Warankii Geliyey Dabadii Warankana dhulka ku qotomiyey Afkii Warankuna Cirkaasi Eegaayo oo labadiisii Gacmood uu midna Waranka ku hayo midii kalena uu Koobka Shaaha ku hayo, ayaa Nin Kale oo dadkii Deegaanka ka mida oo doonaayey in uu isaguna Koob Shaah ka cabo Meheradaasi, ayaa ku soo leexday Maqaaxidii, ka dib marku Kadinka ka soo galay ee uu ninkii Maqaaxida uga soo horeeyey hortiisa maraayo ayaa Ninkii wuxu ku siibtay Meeshii Qoyaneyd ee Biyaha uu ku rusheeyey Ninka Meheradda Lehi.

Nasiib Daro Ninkii Wuxu ku dul kufay Ninkii Waranka Haystay ee Fadhiyey waxaanu Warankii ka galay Halkaasi Dhuunta oo Qadaadka ayuu ka booday ninkii Waranka Sitayna dhinacaasi ayuu uga booday mise Ninkii Khaakh Khaakh iyo Waaby ka aguugtay (Nafta ayaa ka baxday), la wada nax oo la wada amakaag oo ninkii Meheraddalahaa iyo Kii Waranka lahaa iyo Kuwii Shaaha Cabaayey Waar Hayaay iyo Waar Ninku Ma Dhintay iyo Waar Naftii Miyey ka baxday ayaa Buuqii Isqabsaday, halka waxa ka soo baxday  Xigmadii ama odhaahdiii ahayd (Qadar Dhacay Quraan iyo Waddaad Qabar Ma Ooshaane).

Inta Ka Dib Maydkii Meesha laga qaad, waxa si su’aashu noqotay Maydku goye yuuse u go’ay, waxa jiq isku noqday labadii Nin ee Midna Biyaha Ninku ku kufay ku rusheeyey goobta Meheradiisa ka mid ah ee Marxuunku ku siibtay midna Warankii uu gacantiisa ku haystay uu Marxuunku ku naf waayey, Marxuunka Tolkii Waa Kuwan oo waxay haystaan labadii Nin iyagii waa Isku Jiq oo ninkii Waranka Haystay wuxu taagan yahay aniga Marxuunka waxba naga ma dhaxayn xata wax aqoon ah iskumaanaan lahayn sabab aan u dilaana meesha ma oolin ee Biyaha ninkani meesha ku Shubay ayuu ku siibtay ee isaga Magtiina murxuunka u doonta, kii kale waxa taagan yahay Marxuunku macmiil ayuu Meheradayda u ahaa  Shaaca galinka hore iyo ka dambeba waa iga Cabsi jiray dushaasi ayaanu saaxi ka ahayn ee Marxuunka ninkan Waranka Baas sitay ayaa ALLE ku sababay oo Dhuunta kaga dhuftay ee Magta Marxuunka ka qaata ninkan ayaa Dilay oo Markhaati ayaan ka ahaaye, Hadiiba ay sida tahay oo Marxuunkii Eheladiisii laba eedaysane gacanta ay ku hayaan balse mid kasta doodiisa uu Diyadda Marxuunka ku deedafeenaayo oo labadan nin midba midka kale ku eedeynaayo in uu Marxuunkaasi dilay magtiisana laga qaado Akhriste adigu Aragtidaada Labadan nin keebaad odhan lahayd ama kula muuqata in Magtaasi lagu leeyahay oo ay tahay inay eheladiisii u qabsadaan. ?

Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso