Shil doon oo dad ay ku dhinteen Kuuriyada Koonfureed

Shil doon oo dad ay ku dhinteen Kuuriyada Koonfureed.

ilaalada xeebaha ayaa sameeyay howlo gurmad ah iyaga oo 7 qof u gudbiyay isbitaalo

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay kaddib markii doon nooca kalluumeysiga ah oo ku dhacday markab siday 336-tan oo shidaal ah ay ku degtay xeebaha Kuuriyada Koonfureed.

Laba doomood oo kale ayaa la la’yahay, iyada oo ciidamadda ilaalada xeebaha Kuuriyada Koonfureed ay sheegeen in howlaha baadigoobka iyo samatabixintu ay wali socdaan.

Doontaan nooca kalluumeysiga ah, ee Seonchang-1, ayaa waxaa saarnaa 20 oo qof oo rakaab ah iyo laba shaqaale, waxa ayna ku jirtay safar kalluumeysi xiliigii uu dhacayay shilka.

Sawiradda laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa muujinayay doonta qalibantay oo darawaladii boooyadu ay baadigoobayaan dadkii saarnaa.

Diyaaradaha ciidamada badda iyo tobanaan maraakiib ah ayaa ka qeyb qaadanayay baadigoobka oo ka soconayay koonfur galbeed Incheon, oo u dhaw jaziirada Yeongheungee Kuuriyada Koonfureed.

Toddobo qof oo ka mid ah dadka dhaawacu soo gaaray ayaa la dhigay isbitaal haatan lagu dabiibayo.

Sanadkii hore ayay ahayd markii doon ay saarnaayeen dad rakaab ah ay degtay, waxaana ku dhintay in ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo intooda badan ahaa caruur iskuuley ah.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso