Netanyahu oo Barbar dhigay Iran Naasigii Jarmalka Kuna eedeeyay Tehran inay isku dayayso inay tirtirto Yuhuudda!!!!

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyay Iran in ay isku dayayaan inay Madhiyaan Yuhuudda iyaga oo ka duulaya aragtiyahii Naasigii Jarmalka, sidoo kalena waxa uu u markhaati furay hadalkii dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamad Saalman kuna sheegay Khamanii-ga Iran Hitler-ka Gobolka.

Khudbad uujeediyey oo ah Foodyaw lagana Sii Daayay Barta Saban ee Wadanka Maraykanka ayuu Netenyahu ku sheegay Iran inay Wacad ku martay in La tirtiro Yuhuuda.

Inkasta oo ra’iisul wasaaraha Israel uu qiray in uu jiro Faraq u dhaxeeya Naasigii Jarmalka iyo Iran se wuxuu yidhi labada nidaam wax ka dhaxeeya oo isku mid ah si ay u dilaan Yuhuudda si aan kala go ‘lahayn oo ay ku soo rogaan xaalad khatar ah iyo argagixisanimo.

Netanyahu ayaa ku celceliyay go’aanka Israel ee ah inaysan u oggolaanin Iran in ay hesho hubka nukliyeerka ah iyo in militari ku dhex yeelato Suuriya, taas oo u muuqata inay socoto,” ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso