Bulshooyinka nolosha casriga ah fahmay, mararka qaarkood, kolka aan arrimahooda u fiirsado waxa aan xasuustaa maahmaahdii ahayd “Arrin keen ama aqbal keen mid uun ahaw”. Bulshooyinkaasi waxay ku socdaan nidaam waxayna ku kala baxaan, haddii ay ismaandhaafaan, xeerar ay mar hore isku raaceen oo ay dejisteen. Qaar mar kasta doonistooda waddo cusub u jeexa iyo qaar arrintaas soo dhoweeya ayey u kala baxaan. Sidaas ayey danaha guud ee ay wadaagaan ku dhowraan waxayna garansan yihiin in muran iyo sanka oo la taagaa aanay waxba soo kordhinin.
Dadkeenna oo malaha ka mid ah dad dhowaan si aan hagaagsanayn u ilbaxay ayaan weli sidii la rabay ugu bislaanin danaha guud ee ka dhexeeya. Noloshooda sidii ay u wanaajin lahaayeen iskuma mashquuliyaan, ee waxay ku daalaan waxyaalo aanay dani ugu jirin. Waxaad mararka qaarkood arkaysaa qaar sidii ay u qaylinayeen naftii iska saaray. Waxa ay la qaylinayaanna wax cusub ma aha ee waa dhalliisha mas’uul hebel ama xukuumad kasta oo talada dalka qabata.
Haddii waanooyinkii Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde), oo aynu in yar ka soo qaadan doono wax lagu qaadan lahaa waa ay fiicnaan lahayd. Timacadde, Alle ha u naxariistee, waxa uu ahaa maansayahan caan ah, waxa uuna tirin jiray maansooyin qiima weyn leh oo halqabsiyo badan lahaa. “Quluub wadajirta” iyo “gacmo waxtar leh” in horumar lagu gaadho ayuu tixo kala duwan inoogu sheegay. Tixda qabyo ee uu 1959-kii tiriyey waxa ku jira beydkan:
“Hayeeshee quluub wadajirtaa qaniya sheekhowe”.
Maanta dalalka adduunku waxa ay isu qiimeeyaan dad, nidaam maamul oo karti iyo hufnaan leh, iyo khayraadka la haysto kolba sida ugu habboon looga faa’iidaysto. Dalalka horreeya oo dhan cidi ma ay caawin, ee saddexdaas aynu soo sheegnay uun bay si wacan isugu geeyeen natiijo fiicanna ka soo saareen. Ugu yaraan waxa mararka qaarkood dhici karta in iyadoo uu bilo yar ka hor roob da’ay ay haddana qaybo dadkeenna ka mid ahi oon u dhintaan. Khayraadkii kale ee dalkana sidii loo baahnaa loogama faa’iidaysto.
Dadka reer Jabbaan, in kastoo aynu wax badan ku kala duwannahay, haddii aynu tusaale u soo qaadanno ma laha khayraad dabiici ah oo dhulka ku jira. Waxa intaa u dheer dhibaatooyinkii waaweynaa ee gaadhay waagii uu socday dagaalkii ay u bixiyeen “Dagaalkii Labaad ee Adduunka”. Haddana maanta dhaqaalaha dalalka adduunka waxa ay kaga jiraan kaalinta saddexaad, waxana ka horreeya Maraykanka iyo Shiinaha oo keli ah. Waxa ay heerkaa ku gaadheen waa khayraad kale oo ay ka faa’iideeyeen. Waa “khayraadka dadka” (Human Resources). Waa isu-geynta aqoonta, xirfadaha,halabuurka cusub, kartiyaha, garashada, iwm. “Galladduna waxay saran tahay, wax isu geygeyne”. Maxaad u malayn lahayd haddii ay dhulka Soomaalilaan mid la mid ah degganaan laahaayeen?
Haddaba intii ay dadkeennu muran siyaasadeed oo aan macna lahayn meelahaa la taagtaagnaan lahaayeen, ama uu siyaasi-isku-sheeg khaayin ahi ku guuri lahaa waxa uga wanaagsan in ay lafahooda u shaqaystaan oo aanay cid kale wax ka sugin. Wixii aad shaqaysato ayaa ka fiican qaraamaad shisheeye dan uu leeyahay aynaan sawiri karini uu kuu soo fidiyo. Timacadde waxa uu yidhi:
“Qaraamaad laguu soo fidsha kuma qaboojaane”
Iyo
“Curcurrada wax lagu xoogsadaad ku cokonaataaye”
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com