Siciid ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay Xafiiska War-qabadka Ee Togaherer ku cadeeyay in uu iska casilay Xubinimadii, Waxaanu qoraalkani u dhignaa Sidan :-
Tariikh. 14/2/2017 Hargeisa
Ujeedo : Iska Casilaad Xubin Guddi
Mudanayaal iyo Marwooyin :
Salaan kaddib, Anigoo Ah Said Ibrahim Farah ahna xubin ka mid ah Gudida Guud ee beesha DAAUD ISMACIIL (CIIDAGALE) , waxa aan halkan ku cadeynayaa in aan iska casilay xubinnimadii guddida Guud ee beesha Ciidagale ee Sahan Barwaaqo , taas oo laga bilaabo maanta aanan ka mid ahayn. Hadaba , haddii aan qaar ka sheego sababaha igu kalifay in aan iska casilo xubininmada gudidaas waxa ay kala yihiin ;
Maamul xumaan baahasan oo kala ah
- Ujeedo la’aan , qorshe la’aan
- Xibsaabtan laaa;n
- Isku xidhnaan la’aan iyo kala socod,
- wada shaqayn la’aan
- ku milan siyaasadeed kaas oo la kawsaday dhismihii Guddida.
- Waxqabad la’aan iyada oo waxyaabihii gudida loo igmaday ee horumarka beesha wax aanu ka qabanay aanay jirin , balse kuwii socoday ay istaageen sida dhismihii wadada cad ee Hargeisa – Salaxley, arrintaas oo ay musuuliyadeedana ay leeyihiin xubnaha hogaanka guddidu , kaddib markii ay joojiyeen dhammaan wada shaqayntii iyo xidhiidhkii ay la yeelan lahaayeen hayadaha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba ee horeba ay gudidii naga horeysay u soo waday.
Sidaa darted, Kaddib markaan arkay in aanay gudidan hogaankeedii sidan noqday ku gaadhaynin fulinaynina waxyaalihii ay bulshada beeshu naga filanaysay ee ay noo igmatay , Nasiib daro waxa aan go’aan ku gadhay in aanan ka sii mid ahaanin xubnaha guddida beesha ciidagale ee Sahan Barwaaqo
waxaanan u rajaynayaa in iyagana xubnaha kale ee gudida illaahay garansiiyo Xilka ay dusha ku sidaan.
Allaa Mahad leh