Hargeysa(Toggaherer)-Caasimada Somaliland Waxaa Ku Geeryootay Hooyadii Fanka Somaliyeed-Shamis Abokor (Guduudu Carwo).
Waxaa saaka magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Shamis Abokar (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952.
Shamis Abokar ayaa sannadihii u danbeeyay xannuunsanayd, waxaana geerideeda BBC Somali u xaqiijiyay Adam Nugaal oo ka tirsan qoyskeeda.
Abwaan Saxardiid Maxamed Jebiye oo fanka ku soo jiray in ka badan lixdan sano iyo abwaan yuusuf Shaacir ayaa labaduba BBC u sheegay in Guduudi Carwo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacad ka heesta.
Xilligii ay Guduudo Carwo billowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.
Doorka dumarka ee ruwaayadihii xilligaa iyo heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abokar billaabin heesaha. Maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.