Aan ooyee albaabka i xidha… Maalin kale oo madow & Al qudus.

Awoowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay adoonsaday
Ninkii aniga i iibsday
Ninkii ifka igu adduun tiray
Itaal li’i baa ishaa i bidee
Haddaan ogohaan ka aarsan karayn
Haddaan aadanow unuunka jarayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka i xidha !…..ANX Abwaan Barkhad Cas.

Waxay argagax iyo bahdilaad u tahay dunida muslimka in hadh cad Mr trump sheego in Qudus ay tahay caasimada yuhuuda. Laakiin mee awoodii jawaabi lahayd ee ka gilgilan lahayd?. Ishiisa laga arka ushii lagu tumaa. Maanta duni muslim iyo mid carbeed oo nooli ma jirto. Waa sida somalida oo xoogoodii & cilmigoodii reer , gobol & dawlad midba tii ku xigtay ku dhameeyey oo maanta aan waraabaha iska soo hoynayn. Kuligood waa col daahi go’ ay oo mid mid bixinaya ma jiro iska daa inay difaacanba muqdasaadkoodee. Bal u fiirso dunida gaalada mid masiixi ah & mid dab caabuda intuba waa dhisan yihiin xoog & xoolaba oo maanta karamadooda diineed & nololeedba cid u soo badheedhaysa ma jirto. Keliya waxa la isku dhafaay hogaamin tolmoon .  Muslimiinta waxa halkaas dhigay hogaamiyayaashooda waxayna ku jiraan waqti aad u adag oo ay halis ku jirto diintooda & dadnimadoodba. Allah waxaynu ka baryaynaa inuu ummada muslimiinta mideeyo xoogooda & caqligoodba.

Allah mahad leh

Saeed A dualeh
Bristol, Uk.

Advertisement

Ku Xayeysiiso