Kim Jong-un Oo Fuulay Figta u saraysa Buurta Kuuriya ay u Tixgeliyaan Muqadas

Hogaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-un ayaa koray fuulayna figta sare ee buurta Mount Paektu, buurtan oo wakhtiyadii hore ee Kuuriyada ahayd mid muqadas ah.

Buurtan ayaa lagu qiimeeyaa loona qadariya meel Muhiim ah oo uu ku dhashay hoggaamiyihii hore Kim Jong Il (aabaha hogaamiyaha hadda), oo ku dhashay gobolka Khabarovsk ee bariga Russia.

Intii uu jooga Kim Jong-un wuxuu xasuusiyay maalmo muhiim ah oo xiiso leh markii uu soo dhajiyay rabitaan ah in uu fuliyo hawlgallo taariikhi ah oo dhamaystiran: dhammaystirka habka ciidamadda qaranka ee nukliyeerka, “ayaa lagu sheegay wargayska Central News Agency.

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale lagu amray in la hagaajiyo adeegga buurta, oo ay ku jiraan dhismaha huteel dalxiisayaasha ah.

Buurta waxay ku taallaa Buuraha Changbei kala badhana Gobolka Jilin ee Waqooyiga bari ee Shinaha iyo Kuuriyada Waqooyi, waxay leedahay 16 figood oo dhererkeedu gaadhayao 2,500 mitir oo ka sarraysa badda, halka ugu sarreeya ama figta ugu saraysaana waa Bayato, oo ah qiyaas dhan 2,691 mitir, waxaana loo aqoonsan yahay Shiinaha iyo Jasiiradda Kuuriya Figta u saraysa, waxay caan ku tahay jiritaanka Harada Tianxi Lake oo ka sameysan biyo Qaraxa fulkaanaha.

Buurahan Changbei waxa Alle ku manaystay khayraadka dabiiciga ah, waxayna caan ku tahay wax soo saarka ginseng, ram and sable, alaabtaasi oo lagu sheego in ay yihiin alaab qaali ah Cimilada gobolka ayaa ah mid aad u kacsan, waana mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee dalxiiska ee Shiinaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso