Xuutiyiinta oo Ku Aasay Cali Cabdale Saalax Tuulada Al-Axmar !!!!!

Ilo wareedyo ku dhow dhow qoyska madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saleh ayaa u sheegay Al-Arabiya in maydkiisa lagu aasay qabuuraha tuulada Al-Axmar.

Maleeshiyaadka Al-Houthi ayaa aasay iyaga oo ay joogaan Inankiisa Madin, Mohammed Saleh oo ah wiilka walaalkiis, Yahya Al-Ra’i Afhayeenka Golaha Wakiilada, iyo hogaamiye Houthi Ali Abu Hakim.

Ilaha ayaa xaqiijiyay in aaska uu ahaa mid ay ka qaybgaleen dad tiro kooban, halkaas oo tirada dadka ka soo qaybgalay lagu sheegay in ay ahaayeen 20 qof.

Saleh ayaa la diley intii uu ku sii jeeday tuuladiisa Sinhan, koonfurta Sana’a.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso