DADKA IYO DAWLADA IYAMAA WAALAN

Waxa soo gebagaboobey maamulkii xukuumadii 7 sano ee ina dhaaftay wadanka soo hogaaminaysay, hadaba
maxaa lagu xasuusankara ama laga dhaxlay xukumadan hada xilkedii dhamaaday.

Hadad dadka waraysato waxay badankoodu odhanayaan waxay ahayd xukuumad wax badan qabatay, waxanay ku tilmamayaan , wadada ceerigaabo iyo darajada ciidamada, dad badani waxay leeyhiin waa halgamaa ku suntan taariikhda somaliland madaxweynaha hada xilkisu dhamaaday,

Anigu waxaan aaminsanahay inay dawladan xilkeedii dhamaday ahayd dawlad ina so marta tii ugu xumayd , khasarooyinka iyo dhibka ay ka tagtayna ay dib u dhac wayn u geysanayso wadanka guud ahaan, waxa laga dhaxlay qabyaalad,musuqmaasuq, hanti boob, iyo maamul xumaan.

hadaba markaan eegay halka ay wax ka khaldanyihiin waxaan ogaadey inay dadweynaha reer somaliland u yaqaanan dawladnimada sidan,
waxan is waydiiyey madaxweyne la amaanayo hadana ku dhaqmaya qabyalad tii ugu foosha xumayd, oo gaadhay inuu wadankaba iibsado inanka uu sodoga u yahay, hadana la leeyahay wa madxaweyne wanaagsan, ma anigaa walan mise dadkaa waalan, madaxweyne wasiirada ay isku reerka yihiin aan la bedelikarin oo la wada ogyahay hadana la leeyahay wa madxweyne wanaagsan, madaxweyne iibsadey hantidii dalka ee ay ka mid ahayd dekeda, Airport ka , hamaha shidaalka, dhulkii shacabka magalooyinka wayen oo dadka intooda badani ogyihiin inay lacagtii dalku ku maqantahay , hada la leeyahay wa madaxweyne wax qabad leh, ma aniga waaln mise cadan baa laga hesayaa

Somaliland ma noqonayso wadan ilaa ay dadku noqdaan wadaniyiin oo aanay qabyaalad iyo nin jeclaysi ku dhaqmin

Wabilaahi Tawfiiq
Mohamud jama

U K

Advertisement

Ku Xayeysiiso