Gudaha ka Akhri Waa Tee Dawlada ugu faqiirsan Yurub?

Xarunta Cilmi-baadhista iyo Falanqaynta Texty org ayaa xaqiijiyay in Ukraine ay tahay dalka ugu hooseeysa mushaharka Europe maanta.

Xaruntu waxay tan ku qeexday iyadoo la baadhayo inta muwaadiniinta shaqeeya ee mushaharkooda bil-laha ah qaataan marka laga jaro canshuuraha.

Daraasadan ayaa lagu ogaaday in mushaharka celceliska ee Ukraine ka dib marka laga jaro canshuurta waxay qaataan 190 euro, Moldova 216 euro, iyo Azerbaijan 232 euro.

Sida laga soo xigtay daraasadda Ruushka waa 474 euros sida lagu sheegay daraasaddan, 10 dal oo Yurub ah oo ay ku jiraan Armenia, Georgia, Belarus, Kazakhstan, Albania, Macedonia iyo Serbia ayaa iyana ka sareeya Saddexda dal ee kor ku xusan.

Heerka ugu sarreeya Waxa ku jirta Sweden waa 4421 euro, Iceland 3440 euro iyo Norway 3405 euro.

Sidaasi darteed sida laga soo xigtay daraasadda Ukraine ayaa kaalinta koowaad ku jirta faqriga ka dhex jira wadamada yurub inkastoo ay leedahay khayraad badan.

Khubarada ayaa aaminsan in sababta ugu weyn ee arrintaani ay ku jirto musuqmaasuq baahsan iyo maamul xumo ka jirta hay’adaha dawladda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso