Lieberman oo Ku qeexay xildhibaanada Carbeed ee Knesset dambiilayaal dagaal!!!!

Wasiirka gaashaandhiga Israel Avigdor Lieberman ayaa ku tilmaamay xubnaha ka tirsan Carabta ee golaha Knesset inay yihiin “dambiilayaal dagaal”.

Weerarka Lieberman ayaa yimid ka dib markii xildhibaanada Carabta ahi  ee ka soo horjeeda ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ay ku sheegeen dambiile dagaal uguna baaqeen in  la hor keeno Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada oo awood leh.

Waxayna kale oo ku dareen  in haysashada sharci darrada ahi ay  ku saleysan tahay dambiyada dagaalka iyaga oo tixraacaya qabashada Falastiin 50 sano ka hor.

“Halkan joogitaankiinu waa qalad waxaad ka faa’iideysanaysaan daciifnimada iyo mudnaanta dawlad dimuqraadi ah inaad na  baabiisaan, wakhtiguna wuu iman doonaa aydaan joogi doonin,” ayuu Lieberman u sheegay xildhibaannada Carabta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso