Faransiiska oo ka mamnuucaya Dugsiyada Telefoonada Casriga ah !!!

Wasaaradda Waxbarashada ee Faransiiska ayaa go’aansatay in ay ka mamnuucdo taleefannada casriga ah dugsiyada laga bilaabo Sebtembar sanadka soo socda, qorshahan oo ka mid ahaa ololahii doorashada madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macaron.

Wasiirka Waxbarashada Faransiiska Jean-Michel Blancier ayaa sheegay in mamnuucidda telefoonada smart-ka ay ku dhiirrigeliso carruurta inay dibedda ku ciyaaraan inta lagu jiro nasashada iyo qadada iyo in xannibaadda telefoonnadu ay yareyn karaan dhacdooyinka internet ka.

“Maanta, carruurtu ma ciyaaraan waqtiga nasashada sidii hore, waxay dhammaantood mashquul ku yihiin telefoonadooda, waxbarasho ahaan taasi waa qalad,” Blancier ayaa sidaas yidhi.

Dugsiyada Faransiisku waxa ka mamnuuca carruurta in ay isticmaalaan telefoonnada gacanta fasalada dhexdooda, laakiin ma aha mamnuuc isticmaalka telefoonnada waqtiga qadada iyo saacadaha u dhexeeya xisaska.

“Telefoonnada ayaa lagama maarmaan u ah xaaladaha degdegga ah, sidaa darteed way joogi doonaan, laakiin waa la mamnuucay,” ayuu yidhi Blancier.

Mamnuuciddu waxay saamayn doontaa iskuulada hoose iyo dhexe, halka carruurtu dugsiyasada sare sii isticmaali doonaan..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso