Sicir bararka adigaa keenay muwaadin..Q.2aad

Sicir bararka adiga keenay muwaadin..Q.2aad

Magaalooyinka iyaga waxa jira haba tamar yaraadeene biyo gelin ay sameeyeen Turkiga,Shiinaha iyo Afweyne.Waana kuwa haatan laga adeegsado Hargeysa,Berbera iyo Burco.Ceelashaa qasabadaha ku xidhani waxay noqdeen qaar u baahday in gebi ahaanba la bedelo.Waayo, waa qaar dhumuc yar,shabakadaha magaalooyinkaa la geliyay-na waxa loogu talo galay dadweyne tiro yar,maantana dadweynahii wuu batay,waxaanu gaadhay toban laban-laab.

Waxa iyaguna aasmay,meeshana ka baxay ceelashii gaabnaa ee wadaanta lagaga dhaansan jiray,dameeraha iyo kaar-yoonayaasha loogaga adeegi jiray magaalooyinkaas.Ceelashaasi dhamaan waxay ahaayeen qaar raggii hore gacantooda ku qodeen,waxaanay ku yaaleen oo ay ku taxnaayeen dooxyada,halkaa waxa aad ka fahmaysaa biyaha ceelashaasi inay ahaayeen kuwa cirka.

Hadaba muwaadin adigu waxaad ku faroor xidhnayd ganacsi aan aqoon ku salays-nayn,waayo ganacsigaaga may hageen muwaadiniyiin aqoon u leh ganacsiga balse waxaad adeegsanaysay caqligaaga Eebe kuugu deeqay,ma xuma oo heer kobcay ayaad soo gaadhsiisay tan iyo intii dalka ay u soo baxeen aqoonyahan u dhashay.Muwaadin nidaamka ganacsi ee aad ku hawlaneed waxa uu ahaa dukaan,makhaayad iyo bakhaar leeyahay qof keli ah.Markii aqoontu korodhay ganacsiga waxa ku yimi isbedel oo waxa abuurmay sharkado dhexe,inkasta oo aanu isbedelin nidaamka keli lahaanshahu.Sicir bararka berigaa waxa ilaalin jiray dawlada iyo baanka dhexe,manay dhici jirin tujaar waxay doonto bedeecadooda ku iibisa,waayo waxa jiray dawlad la aqoonsanyahay,baanka dhexe-na xidhiidh ayuu la lahaa baananka kale ee shisheeyaha,nidaamka lc-ga ayaa shaqayn jiray,xakamayntuna halkaa ayay ka bilaab-maysay.Maanta ma nihin dawlad la aqoonsanyahay,baanka dhexe-na wax xidhiidh ah lama laha baananka kale ee shiisheeye.

Awoodii dawlada,tii baanka waxa la wareegay sharkado sita qof magacii,waxay gacanta ku dhigeen ganacsigii dalka.Halkaa waxa ka dhashay lacagta ganacsigoodu ku socdo gudo iyo dibadba ta maraykanka (Dollar).Nidaamkaasi waxa uu meesha ka saaray xakamayntii dawlada iyo baanka dhexe.Baananka shisheeye ee dibadaha ayay haamo(Accounts) ay dollarka ku shubtaan si ay badeecadahooda ugu soo iibsadaan.Halkaana waxa ku saqiiray ogaanshahii baanka dhexe ee qiimaha ay soo siisteen badeecahadooda.Tani waxay keentay ganacsatadu inay waxay doonaan ku iibiyaan badeecadahooda markay dalka keenaan.Waxa meesha ka maqan oo ganacsatadu aanay marnaba ku xisaabtamin heerka nolosha dadweynaha ay ka tirsanyahiin marayso, ama dakhliga soo gala qofka ama qoyska maalintii,marnaba may danayn karaanka shacabka.Ku darsoo lacagta ay dalka gudihiisa wax ku iibiyaan waa lacagta maraykanka.Muwaadin nidaamka ganacsi ee noocaas ah adigaa ka masuul ah,waxaanad unugtay laba arrimood oo nolosha shacabka ku keenay dhibaato:

1.Noloshii shacabka oo qiiro-qiiro galay.

2.Dhaq-dhaqaaqii Lacagta dalka(shillin-ka jsl) oo yaraaday.

Markaa muwaadin miyaanad adigu sicir bararka sabab u ahayn.

Sharkadahaa dhexe qaar ka mid ahi waxa ay unkeen nidaam kale oo khatar ku noqday dhaq-dhaqaaqa lacagta dalka.Waxay unkeen nidaamka loo yaqaano E.money.Nidaamkani waa nidaam ka baxsan xakamayntii baanka dhexe lahaa,sababtana waxa keenay qaabka ama habka ganacsi ee ay sharkadahaasi u adeegsadaan nidaamka E.money.Waayo,waxay u adeegsadeen lacagta maraykanka,waxa unkamay shacabku aanu dareemin wax-yeeladiisa,waxay u bogeen uun fududaynta nidaamka E.money ee ay noloshoodii oo dhami ku xidhantay.Danyarta uu soo galo dhakhliga yari waxay noqdeen tirada ugu badan shacabka ee adeegsada nidaamkaa boqnahooda nololeed heeraya,waayo iyagu aqoon uma laha nidaamkaasi waxa dhibaato u leeyahay,waxay arkaan uun lacagta yar ee baahidooda markaa taagan ay ku daboolayaan inay si fudud isugu diraan.Waana hawl fududayn uun.Balse muwaadin nidaamkani waxa uu isna meesha ka saaray adeegsigii lacagta dalka.Kanina waxa uu qayb ka noqday sicir bararka. Ganacsatada leh sharkadahaa E.money way ogyahiin nidaamkani inaanu ahayn mid ku haboon inuu dalka kaga hawl galo lacagta maraykanka,iyaguna marnaba may danayn:

1.Dhibaatada ay ku keeneen dhaq-dhaqaaqa shilin-ka jsl inuu

   Yaraado ama meeshaba ka baxo.

2.Saraflayaasha oo ay shaqadoodii la wareegeen badi.

3.Kor u kaca nolosha danyarta.

Muwaadin ganacasatada leh shirkadahaasi waxay ku hawlanaayeen uun danahooda u gaarka ah iyo macaash-kooda,waxa ugu jira lacagta ku dhacda E.money waxa weeye lacagtaas iyaga kaashka oo ah lacagta maraykanka ayaa gacantooda gala,kuna ganacsadaan oo ay accounts kooda ay ku shabtaan,shacabkana tiro lacageed oo ah numbers ayaa dhex wareega.

Markaa muwaadin miyaanad adigu sicir bararka keenin.

Gabo-gabadii waxan soo jeedinayaa mar hadii aynu nahay dal madaxbanaan oo dawlad la doortay leh inaynu dhamaanteen tix gelinaa oo si dhab ah ugu hogaansanaa dawladnimada,dastuurka iyo shuruucda dalka,si ay u adkayno kala danbaynta:

1.Xukuumadu waa inay fara-gelinta baanka joojisaa.

2.Wasaarada maaliyadu faraha ha kala baxdo hawlaha baanka

   Dhexe.

3.Baanka dhexe waa inuu hirgeliyaa awoodaha sharci ee uu

   Leeyahay.

4.Baanka dhexe waa inuu unko shuruucdii nidaam uu kula dhaqmi

   lahaa ganacsiga dalka,kuna xakamayn lahaa.

5.Baanka dhexe waa inuu ka hawl galaa sidii uu xidhiidh ula yeelan

   lahaa baananka wadamada aynu jaarka nahay,sida jabuuti iyo

   Itoobiya,si ay ugu suurta gasho adeegsiga Lc-gu.

6.Ganacsatada wax soo dejisaa waa inay u hogaan-samaan

   Shuruucda baanka dhexe,dhigtaana lacag reserve ah.

7.Sharkadaha leh nidaamka E.money waa inay nidaamka u

   bedelaan shilin-ka jsl,sida ay adeegsadaan lacagta wadamada

   ee ay ka hawl galaan.

Muwaadin adigaa keenay sicir bararka,dawlada iyo baanka dhexe-na waxay gabeen masuuliyadii ka saarnayd inay qorshe ka yeeshaan sicir bararka.

Toosinta iyo tusaalayntu muwaadin waa innagu wada waajib ee dhinacaaga toosi ama tusaalee.

 

Allaa Mahad Leh

 

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso