Sacuudiga Oo Qabtay “gantaal ku sii socday” Riyaadh

Hargeysa(ToggahererNews)-Sacuudiga Oo Qabtay “gantaal ku sii socday” Riyaadh.

Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.

Xuutiyiinta waxay gantaallada Burkin-2 soo bandhigeen horraantii sanadkan

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Waxay sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.

Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa Iraan ku eedeeyay in ay madaafiic siiso Xuutiyiinta Yaman.

Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii.

Advertisement

Ku Xayeysiiso