Xabaal Wadareedo Balaadhan oo ay Ku Jiraan Rohingya Myanmar oo la helay!!!

Mas’uuliyiinta Myanmar ayaa sheegay ina ya heleen Xabaa Wadareed ay ku jiraan tobanaan maydad ah tuulo ku taal gobolka Rakhine dadkan ayaa la aaminsan yahay inay ka tirsan tahay dadka laga tirada badan yahay ee Muslimka Rohingya, sida uu sheegay wargeyska Myanmar ee la yidhaa Myawaddy.

In ka badan 650,000 Rohingyas ee Gobolka Rakhine ayaa u qaxay dalka la dariska ah ee Bangladesh bilihii dhawaa kadib dagaal xooggan iyo isir sifeyn ay ku wadanaa ciidamada ammaanka.

Kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay ciidamada in ay sameeyaan tacadiyada, oo ay ka mid yihiin isir sifeyn ,dil, kufsi iyo gubid intii lagu jiro ololaha.

Koox booliis ah, sarkaal maxalli ah ,garsoore iyo dhakhtar ayaa baadhay goobta xabaalaha ee tuulada “Eden”, oo 50 kiiloomitir waqooyi ka xigta caasimadda gobolka Steaui Salaasadii, waxaanay heleen tobanaan mayd oo aan la aqoonsan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso