Nin aan la garanayn oo Rasaas ku furay Isbitaal Maraykan ah ka hor inta uusan isdilin

Nin aan la aqoonsan ayaa rasaas ku furay Isbitaal ku yaalla badhtamaha magaalada Cincinnati, Ohio, Arbacadii, sidaasi waxaa sheegay bilayska maxalliga ah.

Waaxda booliska ee Cincinnati ayaa ku sheegay boggeeda Twitter-ka in mid ka mid ah ilaalada isbitaalka uu dhaawacmay intii lagu jiray dhacdadan, isla markaana dambiilaha ayaa sidoo kale toogtay askari bilays ah, laakiin ma uusan dhaawicin.

Bilayska ayaa sheegay in Tuhmanuhu dhintay ayna u badan tahay in uu is-dilay.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo warisay in shilku ka dhacay qaybta loo qoondeeyey in ay bixiso adeegyo caafimaad ee deg-deg ah oo loogu talagalay dadka maskaxda ka jiran.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso