Erdogan , Abdullah bin Zayedow Halkee Awoowgaa Joogay markii Fakhruddin Basha uu difaacay Madiina Al-Munawara?

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si xoog leh u naqdiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al Nahyan ka dib qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka kuna sheegay dambiyo ay ka geysteen Cusmaaniyiinti Madiina Al-Munawara 1916-kii.

“Markii awoowgayaw Fakhruddin Basha difaacayay Magaalada Madiina halkuu awoowgaa joogay, kaagan niyad jabaysani ee beenta iyo Buhtaanka sheegaya ?” Erdogan ayaa sidaa sheegay mar uu Kalmad ka jeedinayay Ankara Arbacadii .

Erdogan ayaa Raaciyey: “Waa inaad ogaataa xadkaaga, ma garan kartid Shacabkan (Turki),Erdogan sidoo kale ma garan kartid, awoowayaasha Erdogan Waligood iyana maad aqoon.”

Waxa uu sheegay in ay cadahay in qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalalka Carabta ay bartilmaameedsanayaan cadaawadooda ay u hayaan Turkiga si ay ugu Qariyaan jaahilnimadooda iyo ciirsi la’aantooda iyo xitaa Khayaanadooda.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso