Maqaal: McCarthisam (Eeadaymaha ,Qarandumis IWM), W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

McCarthysim ( Qarandumis, IWM)!

Dagaal fikradeed ka dhexeeyay labada aragtiyood ee kala ah, Hantiwadaaga oo u hogaaminayay Soviet-ka iyo dimoqradiyada oo uu hogaamiyay Maraykanu, ayaa hakad galay markii ay is xulafaysteen labadan awoodood bilawgii dagaalkii labaad ee aduunka, xisbigii hanti wadaaga ayaa fursad u helay in uu ku faafiyo aragtidiisii hantiwadaaga ahayd gudaha Maraykan, muddo yar gudoyeedna waxa laga yagleelay gudaha markaykan xisbigii hantiwadaaga maraykan oo ay iska diiwaangaliyeen dad tiradooda lagu qiyaasay 75,000 oo qof.

 

Bilawgii dagaalkii qaboobaa, xildhibaan lagu magacaabo Joseph Mccarthy kana tirsanaa xisbigii jamhuuriga ayaa bilaabiay hogaaminta dagaal lagu ceebaynayay aragtidii hantiwadaaga, isaga oo waliba eedaymo been ah ku duri jiray qof kasta oo looga shakiyo in uu u janjeedho dhanka hantiwadaaga, eedaymahaa waxa ugu horeeyay, mid lagu eedeeyay shaqaalaha wasaarada arimaha dibada ee maraykan in shaqaalaheeda in ka badan 200 shaqaale, ay la shaqeeyaan ama gacansaar la leeyihiin xisbigii nidaamkii soviet-i iyo xisbigiisi hantiwadaaga, eedayntani waxa ay sabab u nqotay in shaqaalihii wasaraada Arrimaha dibada ee Maraykan ay ku bilawdo shaqaalaheeda Baadhitaano, aakhirkiin laga eryay shaqada shaqaale aad u tiro badan oo looga shakiyay in ay gacansaar la lahaayeen Xisbigii hantiwadaaga, hadda maaha in ay la shaqaynayeen!

 

Basaasnimo, Khiyaanoqaran, ama Qarandumis u shaqeeya nidaamka Soviet-i ayaa mccrthy iyo kooxdiisu ku eedaynjireen qofkasta oo laga shakiyo ama loo danyeeshoba, guud ahaan eedaymahan waxa ay horseedeen, in xabsiga la dhigo dad caan ka ahaa Maraykan tiro ahaana gaadhay 200, iyo waliba in shaqooyinkii ay dawlada u hayeen laga caydhiyo dad tiradoodu kor u dhaaftay 10.000.

Dadka caanka ah ee eedaymahan loo soo jeediyay waxa ka mid  ahaa hogaamiyihii dadka madaw ee maraykan Martin Luther king, Albert Einstein, waxa ayna sababtay in Khubaro badan u haajiraan dhankaa iyo Europe iyaga oo ka cabsiqaba in ay xabsi ku mutaystaan eedaymahaa, Mccarthy waxa uu ugu daynbayn ku eedeeyay Xoghayihii difaaca ee maraykan Jorg Marshal oo ahaa nin sumcad ku dhex leh wadanka maraykan iyo dunidaba ahaana ninkii diyaariyay qorshihii dib u soo kabashdii Europe kadib dagaalki labaad ee dunida, in uu u janjeedho dhanka hantiwadaaga, yahayna khaa’inulqaran, halkaa kuma joogsan’e, waxa uu sidoo kale dhaleecayn u soo jeediyay madaxwaynihii Maraykan ee wakhtigaas Harry Turrman.

 

Kadib markii Mccarthy iyo kooxdiisi ay eedeeyeen Madaxdii wadanka ugu saraysay, kolihii congress-ga ee uu ka tirsanaa waxa ay bilaabeen in ay ka soo horjeestaan, taas oo cadayn u noqotay in asalka eedaymuhu ahaayeen kuwo looga dan lahaayuun, dabargoynta aragtidii hantiwadaaga ee ku faafaysay gudaha maraykan, dagaalkaa iyo magacdilkaa loo gaysanayay qofkasta oo looga shakiyo in uu taageero u hayo, ama u janjeedho dhanka hanti wadaaga, waxa gacanwayn ka siinayay Mccarthy iyo kooxdiisa hay’addo badan oo dawlada ah, iyaga oo u arkaayay habka kali ah ee lagula dagaalami karo aragtidii ahayd hanti wadaaga.

 

Haddaba ereyga ah Mccarthysam ujeedkeeduna ayahay eedaymaha beenta ah iyo magacdilka dadban ee aan tooska ahayn kuna salaysan waydiimaha maangalka ah  loona geysto dadka aaminsan aragtiyo gaar ah ama mucaaridba ku ah aragtiyo kale, ayaa noqday qaabka kali ah ee wakhtigan aynu noolnahay lagu burburiyo magaca iyo sumcada uu leeyahay Shakhsi, urur ama xisbi. Iyada oo loo samaynaayo eedaymo been abuur ah si loogu maxkamadeeyom, dadka taabacsna looga dhaadhiciyo in uu yahay, ama yihiin dambiilayaal qaran, basaasiin amaba Qarandumis!

 

 

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

Email: qanoeid@outlook.com

Phone.No:00923125375232

Advertisement

Ku Xayeysiiso