Wasaaradaha & Haayadaha Dawladdu Ma Waxay u Baahanyihiin Qoris Shaqaale Cusub, Mise Tayayn & Hawl-galin Shaqaalahoodii Hore?.

“Qoraalkaygani wuxuu badhi taarayaa isagoo xambaarsan xaqaa”iq jirta amarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ku amray haayadda shaqaalaha dawladda inaanay qori karin shaqaale cusub. Balse looga baahanyahay inay habayso hawl-galisana shaqaalihii hore, oo badankoodu aanay waxba qaban kaliyana ay u xaadiraan uun mashaharka dawladda”.

Shaqaalaha dawladdu wuxuu kordhaa been & run-ba Marka sanadkii wasaaradda maaliyadda waaxdeeda miisaaniyaddu diyaarinayso miisaaniyad sanadeedka. Xiligaas oo ay ka doodaan waaxda miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda & agaasime waaxeedada wasaaradaha & haadaha dawliga ah. Isla wakhtigaa ayay wasaaradaha & haayadaha dawliga ahi soo gudbiyaan liiska shaqaale kaas Oo aan ahayn shaqaale jire balse ah magac u yaal & waraabe u taag.

Iyadoo ulajeedka ka denbeeya yahay in liiska shaqaale ee wasaaradaha & haayadaha dawligu gudbisteen markay ogalaansho ka helaan wasaaradda maaliyadda ayuu shaqaalahaa magac u yaalka ahi sidaa ku galaa miinsaaniyadda qaranka. Sidaas ayaanay wasaaradda maaliyaddu ku horgeysaa golaha wasiirada, ka dibna waxay hortagtaa golaha wakiilada markaasay ansixiyaan madaxweynuhuna uu sexeexaa waxaanay noqotaa dhaqan gal.

Hadaba marka ay soo baxdo miisaaniyadda shaqaalaha magac u yaalka ahaa, tusaale ahaan wasaaradda caafimaadka waxa ugu jirey 100 qof oo shaqaale ah. Wasaaraddii caafimaadku kaliya waxay u gudbinaysaa haayadda shaqaalaha liiska 20 qof 80-kii soo hadhayna automatically ayay ugu soo dhacaan akoonka wasaaradda  iyadoo lacag ah. Markaas ayay macneystaan wasiirka & agaasimaha guud ee wasaaraduhu.

Waxa iyana dhacda in wasiirka & agaasimaha yimaadaaba ay qortaan liis shaqaale ah kuwaas oo ay ku qoraan boosas ay joogaan shaqaalihii ku qornaa, shaqaalahaa la bara bixiyayna  isla markaaba waxay noqdaan kuwo buulka ah Oo iska dhex jooga xaydaabka xarumaha wasaaradaha.

Wasiir & agaasime kale ayaa wasaaraddii imanaya iyana waxay qoranayaan liis shaqaale Oo cusub iyagoo ku qoraya boosas ay joogaan shaqaalihii ku qornaa. Iyagoo shaqaalaha la bara-bixiyayna ay ku biirayaan shaqaalaha nooca loo yaqaano  (shaqaalaha buulka).

Caadiyan shaqaalaha wasaaradaha & haayadaha dawliga ah intooda shaqaysa iyo inta buulka ah waxa toban jeer badan intooda buulka ah ee aan waxba qaban.

Waxaad arkaysaa boos ay ku lacag qaataan shaqaale gaadhaya 20 qof, hada garo oo hal qof uun baa ka shaqeeya.

 

Waxa iyana sababta korodhka shaqaalaha dawladda;

Haayad ayaa fulinaysa mashruuc laba bilood soconaya, kaas Oo loo qaadanayo shaqaale. Markuu dhamaado mashruucii shaqaalihiina waxay kaga tagayaa xarumaha wasaaradaha & haayadaha dawliga ah, iyagoo ku jira liiska shaqaalaha dawladda ee loo yaqaano payroll-ka. Wax shaqo ah Oo ay qabanayaana ma jirto kaliya waxay sugaan uun mushaharka shaqaalaha dawladda.

 

Hadaba yaa ka masuula musuq maasuqaa ka jira haayadaha dawladda, yaase joojin kara musuq-maasuqaa jirey ilaa maalintay Somaliland noqotay mid iskeed u taagan. Hadaan meel dhaw kaaga soo qabto waxa ka masuula:

  1. Agaasime waaxeedada maamulka & lacagta ee wasaaradaha & haayadaha dawladda.
  2. Wasaaradda maaliyadda &
  3. Haayadda shaqaalaha dawladda.

 

Cidda joojin kartaana waa;

  1. Wasaaradda maaliyadda &
  2. Haayadda shaqaalaha dawladda.

Ugu denbeyn;

Wasaaradaha & haayadaha dawladdu uma baahna qorista shaqaalayn cusub balse waxay u baahanyihiin tayaynta & ka shaqaysiinta shaqaalaha tuban xarumaha wasaaradaha & haayadaha dawliga ah. Ee aad arkayso boos ay ku qoranyihiin shaqaale tiro badan. Cidda sababtay in shaqaalaha dawladdu sidan noqdaana waa masuuliyiinta loo soo magacaabayo Oo kaliya ay u duubantahay uun toban qof oo reerkiina ah kaga tag. Balse qorshahooda aanay ku  jirin habaynta shaqaalaha tan-dhaafka ah ee ku qoran wasaaradaha & haayadaha dawladda, ee kii yimaadaaba kaga tagayo shaqaale cusub. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

 

Horaa Loo Soconayaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso