Duufaan Dad Badan ku Dishay Wadanka Filibiin.

Hargeysa(Toggaherer)-Duufaan Dad Badan ku Dishay Wadanka Filibiin.

Ugu yaraan 74 qof ayaa lagu soo warramay inay dhinteen, tiro kalena la la’ yahay, ka dib markii duufaan ay ku dhufatay koofurta Filibiin.

Kooxaha gurmadka oo badbaadinaya dad ku nool Davao oo ka tirsan Mindanao

Duufaanta Tembin ayaa sidoo kale dhalisay daadad iyo dhiiqo ku duntay qaybo ka mid ah jasiiradda Mindanao.

Labada magaalo ee ay sida xun ugu dhufatay ayaa kala ah Tubod iyo Piagapo, halkaas oo tiro guryo ah ay ku fariisteen dhagxaan waaweyn.

Duufaanta Tembin oo saacadiiba ku socota 80 KM ayaa iminka ka gudubtay Mindanao, ayadoo u sii socota cirifka koofureed ee Palawan, ka hor inta aysan galbeedka shishe sii aadin.

Filibiin waxaa inta badan ka dhaca duufaanno, walow aysan ku badnayn Mindanao.

Sarkaal la yiraahdo Gerry Parami oo ka mid ah booliska Tubod ayaa u sheegay wakaaladda AFP in magaaladaas ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

“Wabiga sare ayuu u kacay, guryaha badidoodna daad ayaa qaaday. Tuuladii meesha kuma taallo iminka” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in kooxo mutadawiciin ah ay qodayaan dhiiqada, tuulada Dalama si ay meydadka u soo saaraan.

Sarkaal kale ayaa u sheegay AFP in ugu yaraan ay 10 qof ku dhinteen magaalada Piagapo oo 10 KM bari ka xigta Tubod.

Geeri ayaa iyana laga soo sheegay magaalooyinka Sibuco iyo Salug.

Korantada oo go’day iyo khadadkii isgaarsiinta oo iyagana go’ay ayaa ragaadiyey hawlihii samata bixinta.

Todobaad ka hor ayaa duufaan la yiraahdo Kai-Tak waxay ku dhufatay Filibiin, waxayana dishay dad 20 qof ka badan.

Gobolka ayaa ka soo kabanaya duufaantii Haiyan ee ay ku dhinteen in ka badan 5,000 oo qof sannadkii 2013.

Advertisement

Ku Xayeysiiso