Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan aqoonsiga Somaliland guddida xumaan reebista qodobbo kale.

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan aqoonsiga Somaliland guddida xumaan reebista qodobbo kale.

Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka
jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan aqoonsiga Somaliland guddida xumaan reebista qodobbo kale.

Wakhtigan aynu joogno oo u muuqda mid aan waxba hawl yari la isu siin waddan waliba wuxuu eegaya halka ay maslaxaddiisu ugu jirto dalka jamhuuriydda Somaliland waxaa ilaahay dajiyey dhul aad iyo aad u muhiim ah caalamkuna isha ku wada hayo waxaana loo baahanyahay in laga faaidaysto oo cidkasta oo maalgashanaysa lagu xidho shuruuda ah aqoonsi .
Ummad kasta ilaahay kuma rido wax aanay gacmahooda ku doonan dhibaatooyinka ku dhici kara waxaa ka mid noqon kara musuq ,eex raxmadda Allah oo ku yaraata sababtana abaaro,macsi dhinac walba.

Si dalku horumar la taaban karo ku gaadho waxaannu ku talin lahayn qodobbadan hoose

In cidkasta maalgashi u socota shuruud lagu xidho aqoonsi
In ganacsatadu, dhallinyarada u sameeyaan guur fududayn dhaqaalaha ku adagna laga bixiyo taas waxaa ka dhalan karta macsida oo yaraata ajri badannina ku jiro.
In la sameeyo wasaarad dhaqanka iyo soo celinta edaabta bulshada.
In la sameeyo shirkad caymiska gaadiidka
In la sameeyo kala xaddidiida waddooyinka gaadiidka iyo dadka si ay u yaraato dhibaatooyinka joogtada noqday
In la ganaaxo darawaliinta ka leexda waddada uu xaq u leeyahay.
In laga dheeraado dulimiga laguna hoggamiyo dalka daacad iyo sinnaan.
Waxaad qiima ku leeday ilaalinta nabadgelyada dalkaaga .

Hana moogaan in aad xaqaaga u soo jeeddo oo aan cashuurta laga qaado lagugu dul cunin,oo wax laguugu qabto.

Allaah ayaa mahad dhan iska leh innaga dhigay islaamka ee inoo dooray diinteenna xaqa dadka u ilaalisa.
u dhimo dalkaaga hooyo kana ilaasho cid kasta oo damac ka galo

Deeq Cabdi Digaale

Advertisement

Ku Xayeysiiso