Maxaa Boqol Cisho Ee u Horeeya Uga Qorshaysan Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Xukuumadda Cusub & La Jaanqaadkeeda?.

Maxaa Boqol Cisho Ee u Horeeya Uga Qorshaysan Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Xukuumadda Cusub & La Jaanqaadkeeda?.

Iyadoo la wada og-soonyahay Lagana filanayo xukuumadda cusub inay samayso hanaan & waji cusub oo ay unmada ugu hor-seedo isbedel horumarineed Oo dhinacyo badan leh sida:
¤. La dagaalanta musuqmaasuqa
¤. Kobcinta dhaqaalaha & dakhliga cashuuraha Ee kale duwan.
Taasoo salka ku haysa In ummadda loo badbaadiyo cashuurahooda yar ee dakhliga si wax loogaga qabto adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Hadaba hadaynu hoos u eegno qaab dhimeedka golaha deegaanka ama aynu dul isgaagno xubnaha fulinta. Siiba xoghayaha fulinta oo ah mishiinka wareejiya shaqada iyo shaqaalaha ee isku jaan gooya hawl maalmeedka shaqada iyo shaqaalaha. Oo si gaara ugu tilmaaman xoghayaha fulinta Oo Macneheedu yahay Inuu leeyahay masuuliyadda shaqo & shaqaale. Hadaba waxaynu Wada ogsoonahay Oo muran ma doona Inay xiliyadan banaan tahay kaalintaasi. Oo xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa yahay mid aan haba yaraatee ka bixi karin hawlaha shaqo & shaqaale maareyntooda. Haday tahay xag:

♡. Aqooneed

♡. Khibradeed &

♡. Kartiyeed-ba.
Iyadooy ay waliba jirto khilaaf dhexdooda ah, kaas Oo saameeyay shaqadii & adeegii dawladda hoose u haysay sbacabka haday noqonayso

☆. Fayo dhawrka
☆. Bilicda
☆. Dakhli yaraan &

Dhammaan hawlihii ay bulshada u hayeen.

Taas Oo laga dheehan karo inaanay keeni doonin isbedel la mahadiyo boqolka maalmood ee u horeeya xukuumadda madaxweyne muuse biixi cabdi oo shacabku u han weyn-yihiin wax qabad & horumar la taaban karana ka rajaynayaan. Ayaanay u muuqan dawladda hoose ee hargeysa mid waajihi karta la jaanqaadka xukuumadda cusub hadaan degdeg wax looga bedelin fulinta dawladda hoose. Gaar ahaan xoghayaha fulinta oo haatan u muuqda mid ku fashilmay ragaadiyayna hawlihii shaqo & shaqaale ee dawladda hoose ee hargeysa.

Markaynu ka hadlayno shaqo wanaagga xoghayaha dawladda hoose ee hargeysa waxa kaw ka ah wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho golaha deegaanka caasimadda hargeysa oo xili xaadirkan khilaaf ba”ani u dhexeeyo ka dib markuu ku sifoobay;

Wada shaqayn la”aan ka dhex jirta isaga & golaha.

Aflagaadooyin isagoo caadeystay ereyo u badan aflagaado sida isagoo ku tiraaba “golaha deegaanku waa tuug sharciyaysan”.

Taas Oo xoog u dhaawacday wada shaqayn dhex marta xubnaha golaha deegaanka & xoghayaha fulinta dawladda hoose ee hargeysa. Iyadoo ugu denbeyna sababtay inay istaagaan hawlo maalmeedkii shaqo & shaqaale ee dawladda hoose, halkaana ay shacabka caasimaddu ku waayaan adeegii dawladda hoose uga masuulka ahayd.

Talo Soo Jeedin:

Waxaanu soo jeedinaynaa hadaanu nahay shacabka ay u adeegto dawladda hoose in sida ugu dhakhsaha badan uu wax uga bedelo wasiirka arimaha gudaha. Anagoo si gaar & guud ahaan-ba uga codsanayna bedelaadda xoghayaha fulinta dawladda hoose ee wakhti xaadirkan.

Horaa Loo Soconayaa.

Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso