Danmark. Ganacsade daroogo oo Joojiyay Gaadhi Bilays halkii uu ka raaci lahaa taxi!

Bilayska Dheenishka ayaa qabtay nin ka ganacsada mukhaadaraadka, Ninkan ayaa islahaa Raac Gaadhi Taxi kiroole ah se Wuxuu fuulay Gaadhi Boolis ah isaga oo sita 1,000 xabo oo capsules xashiish ah.

Habeenkii Xalay nin sita maandooriye caasimadda si degdeg ahna islahaa ugu laabo guriga ayaa is yidhi qaado Gaadhi taksi ah, se markii uu fuulay ayuu ogaaday inuu fuulay gaadhi Boolis, sidaas ayay ku yidhaahdeen bilayska Kobanheegan bartooda Twitter ka.

Bilayska ayaa sheegay in uu Sitay Qiyaastii 1,000 Xabo oo Kaabsool ay ku jirto Xashiish Isla markiibana la qabtay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso