Hindiya : Dabo dheer oo Ka Dhigtay Ilmo Yar Mid La Caabudo!!!

Ilmo saddex sano jir ah lana yidhaa Krishna Yadav ayaa dadka tuulo ku taal Hindiya ay u Haystaan Ilaah (Subxaana Laah) Maadama oo Cad Ama Dabo da daanyeerka oo kale ah ku leeyahay dhabarka hoostiisa!

Sida laga soo xigtay wargeyska Ingiriiska ee “Mirror”, Ilmahan wuxuu u noqday meel dadku u soo qasdiyaanuna yimaadaan dhammaan darafyada dalka si ay u helaan Barakadiisa, dad badan ayaa aaminsan inuu u muuqdo ama yahay “Bhajrangbali”, Ilaaha Hindus-ka.

Ilmuhu wuxuu ku dhashay cad ku yaal jidhkiisa kana laalada, kaasoo kordhay una eekaaday dabo dheer, laakiin qoyskiisu waxay diideen in la gooyo, iyagoo ka baqaya inay noqoto mid xun.

Aabaha Ramsundar Yadav ayaa yidhi: “Waxaan u maleynayaa inay tahay nimcada Ilaah, waxaa laga yaabaa inuu dhab ugu eeg yahay Ilaaha Daanyeerka.”

Inkasta oo dad badani ay ku calaamadiyeen calaamad muujinaysa Ilaahnimo, waxaa jira sharaxaad faahfaahsan oo la xidhiidha xanuunkan oo loo yaqaan ‘spina bifidia’, cillad keenta dhibaatada ka timaadda marxaladda hore ee koritaanka uur-kujirka, qaar ka mid ah Lafaha Laf dhabarka ee Dareemayaasha dhexe.

Khabiiradu waxay aaminsan yihiin in ay dhacdo sababtoo ah yaraanta folic acid ka hor uurka iyo usbuuca hore ee uurka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso