Mawqifka Ururka Ee Jabinta Ay Xukuumadu Jabisay Dastuurka

Taariikh: 23/ 12/2017

Ku: Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi            –           Hargeysa

Ku: Golaha Wakiilada JSL                                                             –           Hargeysa

Ku: Dhamaan Shacabka JSL                                                        –           Goobohooda

Ku: Dhammaan Warbaahinta JSL                                              –           Xaruumohooda

 

UJEEDO: MAWQIFKA URURKA EE JABINTA AY XUKUUMADU JABISAY DASTUURKA

 

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatu Laahi Wa Barakaatu:

Waxa dareen damqasho leh nagu abuuray sida badheedhka ah ee ay xukuumada cusubi u jabisay dastuurka dalka, siiba qodobka 94/ faqradihiisa 2,3  ee ku saabsan qaabka ay wasiiradu xilka ula wareegayaan.

Dastuurka JSL marka uu qodobkaasi ka hadlaayay kamuu dhigin mid mad-madaw ku jiro, balse si cad oo qayaxan ayuu kaga waramay, waana kan dastuurka oo ka waramaaya arrintan:

QODOBKA 94AAD

GOLAHA WASIIRADA

  1. Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.
  2. Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.

 

Qodobkani si cad oo aan mad-madaw lahayn ayuu u xusay in la wareegista xilka ay wasiiradu la wareegayaan uu yahay mid ka dambeeya ka dib marka uu ansixiyo golaha wakiilada JSL, oo Golaha wakiiladu wuxuu awood u leeyahay wasiirada la magacaabay inuu aqbalo iyo inuu diido sida ku xusan dastuurka, haddaba haddii uu goluhu awood u leeyahay diidmada wasiir laba-wareegayba xilkii loo magacaabay, waxa ay arrintu noqonaysaa laba arrimood midkood:

  1. In ka dib marka uu wasiirkaasi uu diido ansixintiisa golaha wakiiladu uu iska dhaga mariyo madaxweynuhu iyo wasiirkuba, oo ay noqoto badhedh kale oo sharci jabin ah.
  2. In uu wasiirku sidaasi xilka uga tago, taasina waxay la mecno noqonaysaa in golaha wakiilada la siiyay awooda xil-ka-qaadista wasiirada, taasina waa awood uu iska leeyahay madaxweynaha oo qudha.

Halkaasi waxa ka cad in xukuumadu ku kacday dastuur jabin cad oo aan qiil loo helayn, annagoo luuqada ugu adag ku cambaaraynayna falkaasi xaraanta ah ee ay ku kacday xukuumadu, kaasoo gabi ahaanba luminaaya kalsoonida shacabka.

Waxaanu sidoo kale si kulul u cambaaraynaynaa golaha Wakiilada JSL oo ay xilkiisii ahayd inuu xukuumada sharciga ku ilaaliyo, oo ay ahayd inuu goluhu si cad uga soo horjeesto falka sharci jabinta ah ee ay ku kacday  xukuumadu.

Haddaba Annago ah shacabka JSL, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada JSL annagoo ixtiraam iyo qadarin u hayna inay raali-galin buuxda ka siiso shacabka jabinta dastuurka ee ay ku kacday, oo ay sida ugu dhakhsaha badan ka noqoto tallaabadan ah jabinta dastuurka JSL.

Haddii ay xukuumadu ka noqon waydo jabinbta dastuurka…. Waanu ku celinaynaa, carrabkana waanu ku adkaynaynaa haddii ay xukuumaddu ka noqon waydo tallaabadan xaraanta ah ee ay ku kacday, waxa shacabka JSL oo ah Ilaaliyaha 1aad ee dastuurku uu xor ka noqonayaa waajibaadka dastuuriga ah ee dastuurku faray shacabka, maadaama hogaankii dalka laftiisu aanu wax ixtiraam ah u haynin heshiiskii ummada ka dhexeeyay oo ah dastuurka.

Mawqifkan wuxuu ururku u cuskaday Ayaada Quraanka Kariimka ah ee suuratul Maa’ida

(يا أيها الذين آمنوا أوفوا بالعقود) iyo xadiiska Rasuulka CSW ee ah (المسلمون على شروطهم).

Markaa waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa inay Ilaahay SWT ka cabsato oo ay u soo noqoto waxa Ilaahay SWT iyo Rasuulkiisu CSW ay fareen, isla markaana ay  u hogaansanto wixii lagu heshiiyay oo ah dastuurka dalka.

ALLAA MAHAD LEH

 

URURKA DALSOOR

Advertisement

Ku Xayeysiiso