Waxay dishay saaxiibkeed si loo duub cajal Fiidyaw ah oo la soo Dhigo Barta Bulshada!


Maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ayaa amar ku bixisay in la xidho haweeney dhallinyaro ah oo dishay Saaxiibkeed iyaga oo Fiidyaw iska duubaya ayna doonayeen inay ku baahiso barta YouTube ka, sida ay sheegta,Star Tribune.

Faah faahin ka soo baxday dhacdadan, ayaa lagu yidhi: “Dembiga ayaa yimid markii haweenay dhalinyaro American ah Mona Lisa Perez iyo saaxiibkeeda Pedro Ruiz ay rabeen in ay soo duubaan fiidyaw aad u khatar badan laguna daabaco YouTube ka, si ay u helaan tiro badan oo daawadayaal ah.

Labadan dhalinyarada ah ayaa go’aansaday in ay tijaabiyaan kartida buugga si ay caabido rasaas laga soo riday bistoolad masaafao dhow. Markii Fiidyawga la duubay meel u jirta Nus Miter wiilka ayaa qabsaday Buug ka dibna waxa uu u dhaweeyey Laabtiisa ka dibna Inanta ayaa ka soo riday Rasaasta Baastoolad Nooceedu yahay Desert Eagle , xabadda ayaa ku dhacday Buuga ka dibna u gudbubtay ninkii dhallinyararada ahaa dishayna .

Inta lagu guda jiro su’aalaha, waxay qirtay mas’uuliyadda dhacdada, laakiin waxay ku adkaysatay maxkamadda horteeda in fikradda fiidiyoowgu uu lahaa saaxiibkeed, se maxkamada ayaa amar ku bixisay gabadha in la xidho muddo 6 bilood ah iyo ina ay la socdaan bilaysku oo muddo 10 sano ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso