Gudaha Ka Eeg : Faah-faahin Ku Saabsan Dab Xalay Qabsaday Suuqa Wajaale .

Saacadihii dambe ee xalay ayaa waxaa magaalo ganacsiyeedka wajaale ka kacay dab-xoogan oo gaadhay meherado farabadan oo ah kuwa ganacsiga

Waxaana wararka ka imanaya Wajaale ay sheegayaan in aanay jirin wax dhimasho iyo dhaawac ahi, wallow uu jiro khasaare-hantiyeed oo u badan meheradaha loo yaqaan “Bacadlaha” .

Guddoomiyaha Gabilay oo saaka idaacada BBBC-da la hadlay ayaan ka hadal sababta Dabkan ka dhashay .

Warar-ka ka imanaya wajaale ayaa qaarkood tilmaamayaa sababta dhalisay Dabkan, waxaanay sheegayaan in dabkani ka dhashay dab laga shittay dhaxanta, maaadama inta badan dadka reer wajaale ay shitaan dab dhaxanta-daran ee ka dhacaysa awgeed, halka kuwo kalena ay ku sababeeyeen in ay shooladi qaraxday, balse ilaa hadda ma cadda sababta Rasmiga ah ee dabkan dhalisay .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso