Guriga Madaxweynaha Koongo Oo La Gubay.

Hargeysa(Toggaherer)-Guriga Madaxweynaha Koongo Oo La Gubay.Maleeshiyaad laga shakisan yahay oo ku sugan waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay gubeen guri uu leeyahay Madaxweynaha waddankaasi Joseph Kabila.

Joseph Kabila, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo

Mr Kabila ayaanan joogin guriga markii la gubayay.

Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa muujinaya guri weyn oo u muuqdo inuu leeyahay Madaxweyne Kabila oo uu dab ka kacayo.

Saraakiisha maxaliga ah ayaa sheegay in booliskii halkaasi ku sugnaa lagu dilay intii uu socday weerrarka lagu gubay guriga ku yaalla gobolka Waqooyiga Kive kaas oo dabku uu baabi’iyayba.

Sarkaal ka tirsan milateriga Koongo ayaa sheegay in koox maleeshiya ah ay isku dayayeen inay xadaan hantida taalay guriga.

Hasayeeshee warar kale ayaa sheegaya in weerrarka lagu eedeeyay kooxaha ay siyaasadda isaga soo horjeedaan ee ku sugan gobolkaasi qalalaasaha ku jira.

Joseph Kabila ayaa waxaa uu wajahayay dibadbaxyo baahsan oo qaar ka mid ah ay ka dhacayeen gobolka Waqooyiga Kivu, kuwaas oo salka ku hayay diidmadiisii ku aadanayd inuu xilka banneeyo walow xilligii rasmiga ahaa ee ay aheyd inuu jagada hayo uu ku ekaa sannad ka hor.

Advertisement

Ku Xayeysiiso