Khamenei: Trump uu Khasaari Doona Sidii Awoowyaashi Ka Caqliga badanaa u khasaareen!!!


Hogaamiyaha ugu sareeya Iran, Ali Khamenei ayaa yidhi Maraykanku waa cadowga ugu weyn ee Iran Waana dawlada ugu Fasaadsan uguna Dulmiga badan adduunka Waxaanu intaa Raaciyey in Trump uu ku khasaari dooni waxa uu wado sidii ay ugu khasaareen Awowyaashiisii ka fiicnaa.

Khamenei wuxuu sheegay in uu ka Xun yahay in “dalka gudahiisa waxaa jira kuwa sameeynaya waxa uu cadawgu sameeynayo, taas oo ah in lagu beero quus quluubta dadka waxayna u diraan eedeymo, been iyo been abuur cadowga.” Waxa uu yidhi: “Kuwani waa kuwo ka faraxiya cadawga, qaar ka mid ahna waxay haystaan awoodda maamuleed, maanta ama shalay, iyo hadda waxayna hadda isu dhigaan inay qaataan doorka mucaaradka.”

Khamenei ayaa is barbar dhigay madaxweynihii hore ee Ronald Reagan iyo madaxweynaha hadda, isagoo sheegay in Reagan uu ahaa farshaxan ka badan Donald Trump, oo uu ahaa mid xoogan oo ka caqli galsan, wuxuu tallaabo ka qaadey dadka reer Iran waxa uu soo ridey diyaarad rakaabka oo Iran leedahay, dabadeedna wuxuu la galay cadaabta wixii uu sameeyay. Jamhuuriyadda Islaamiga waxay sii waday horumarka iyo koritaanka xoogga iyo awoodda. ”

Wuxuu sheegay Khamenei, “Dagaalka maanta, dabcan ma aha dagaal millateri sababtoo ah ma galayaan, wayna geli laaayeen hadii ay doonayaan inay dagaal galaan.” Wuxuuna sheegay colaad jilicsan ee hadda taagani inay ka khatar badan tahay dagaal Milatari.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso